Muqdisho(ANN) Boqolaal muhaajiriinta  dagaalyahanka xarakada Al-shabaab  ee dagaalka kula jiray dawladda taagta daran ee Somali iyo ciidamada midawga afrika eek u sugan Muqdisho ayaa  maalmihii lasoo dhaafay gurmad ugu baxay dalalka Yamen iyo Libya oo kacdoono iyo dagaalo ka

socdaan labadii bilood ee u danbeeyay. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews  u xaqiijiyay  warar laga soo xigtay ila wareedyo mihiim ah oo xog ogaal u ah xaalada koonfurta Somalia iyo dagaalada ka socda halkaa.
Ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay hogaanka Al-shabaab  ee dagaalka kula jira dawladda taagta daran ee Somalia, balse tibaaxaha iyo xogaha la xidhiidha inay boqolaal  muhaajiriinta ka dagaalamayay Somalia u talaabeen dalalka Yamen iyo Libya ayaa soo baxay. Kadib markii ay  deegaamo  baddan oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab iskood uga baxeen, iyadoo aanay jirin dagaalo loogu awood sheegtay oo lagaga saaray deegaamadaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay Kooxaha  muhaajiriinta  oo tiradooda lagu qiyaasay  sideed boqol qaarkood ka talaabeen xuduuda dhinaca koonfureed  ee Ethiopia, kuwaas oo doonaya inay ka qayb qaataan dagaalka la doonayo in xukunka lagaga tuuro hogaamiyaha Libya Mucmar Al Qadaafi, iyagoo doonaya inay la saftaan malayshiyada   kacdoonka ka bilaabay Banqaazi, kuwaas oo maamulka Qadaafi hore u sheegay inay xubnaha hogaamiya ka mid yihiin nin lagu magcaabo  Abdulxakiim Alxasaadi oo ay ku  sheegeen  inuu yahay hoggaamiye caan ah oo ka tirsan ururka Alqaacida kas oo ku suganaaa markii ay kacdoonadu ka bilaabmeen dalkaa magaalada Banqaazi.
Boqolaal kale oo tibaaxaha laga helay dagaalyahanka Al-shabaab ee u haajiray dalalka Yamen  iyo Libya si ay uga dagaalamaan halkaa ayaa sheegaya inay koox kale oo dhawr boqol gaadhay u talaabeen bilihii u danbeeyay dhinaca dalka Yamen oo lagu tilmaamo xudunta aasaaska u ahayd shebekada weyn ee Al-qaacida, kuwaas oo lala xidhiidhiyo kooxda ka dagaalanta Somalia  ee Al-shabaab. Waxaana jira warar iyo tibaaxo laga helay dhinaca dalka Yamen oo sheegaya inay kooxaha hoos yimaada urur weynaha Al-qaacida qorshaynayaan in marka xukunka laga tuuro hogaamiyaha dalka Yamen ay fursad weyn u noqonayso inay gacanta ku dhigaan marinka istiraatiijiga ah ee  gacanka cadmeed, halkaas oo ay doonayaan inay hawlgalo ka dhan ah reer galbeedka si fudud uga fulin karaan.
Hogaamiyayaasha dalalka Yamen iyo Libya ayaa dhawr goor ku cel celiyay inay dadka kacdoonada la doonayo in xukunka lagaga tuuro hogaaminayaa yihiin kooxo xidhiidh la leh shebekada weyn ee Al-qaacida, isla markaana warbaahinta reer galbeedka ayaa iyaguna dhawr goor iftiimiyay suurta galnimada inay kooxaha xidhiidhka la leh Al-qaacida aanay ka madhnayn kacdoonada iyo dagaalada ka socda halkaa, iyagoo si weyn u rumaysan inuu dalka Yamen yahay meel ay gabood iyo xarumo qarsoon ku leeyihiin.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *