i Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xil ka qaadis iyo isku bedel ku sameeyay markii ugu horaysay xukuumaddiisa cusub, iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyo maanta soo saaray laba digreeto, kuwaas ku sheegay  inuu xilkii kaga qaaday

 

Wasiirrada  Wasaaraddaha Boosaha iyo Kalluumaysiga, isla markaana wasaaraddahaa loo magcaabay Masuuliyiin cusub, halka isku bedel lagu sameeyay wasiirradii wasaaraddaha Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha.

Sidaana  waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo u  qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)  Waxa uu maanta  Digreetooyin Madaxweyne Xilkii kaga  Qaaday laba Wasiir, sidoo kalena ku Magacaabay  laba Wasiir  oo Cusub,  Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Wasaaradihi hore ee ay hayeen ka bedelay labada Wasiir ee Wasaaradaha ee Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha oo uu u Magacaabay Wasaarado Cusub.

Madaweynaha JSL. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:                 Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay:                   In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

1.        In Mudane, Axmed Cabdi Xaabsade, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.

2.      In Mudane, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.

3.      In Dr. Axmed Xaashi Oday,oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo horu-marinta Reer Miyiga laga Bilaabo Maanta uu  ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL.

4.      In Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jirre), oo hore u ahaa Wasiirka Wasaarada  Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta laga bilaabo maanta uu ahaado  Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda JSL.

Madaxwweynaha JSL isagoo uga Mahad celiyey Mudadii ay Xilka soo hayeen  waxa uu Xilkii Wasiir-nimo ka Qaaday isla  markaana Faray in ay Wasiirada Cusub ku wareejiyan Xilkii Wasaaradaha ee ay hayeen.

Wasiirkii Wasaarada  Kalluumaysiga iyo Khayraadka  Badda

Dr. Maxamed Yaasiin Xasan,  Wasiirkii  Boosaha iyo isgaadhsiinta, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.”

Waa masuuliyiintii u horreeyay ee Madaxweynuhu xilka ka qaaday mudadii shanta bilood ahayd ee xukuumadan cusubi jirtay.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *