Hargeysa(ANN) Aradayda dugsiyada sare iyo fasalada sideedaad ee Somaliland ayaa saaka u fadhiistay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2009/2010, kaas oo ka dhacay gobolada dalka oo dhan.

 

 

Waxaana Imtixaanka sannadkan ka qayb galay in ka badan 12000 (laba iyo toban kun) oo Adray oo u fadhiistay gebi ahaanba gobolada dalka Somaliland.

Gudoomiyaha Xarunta  imtixaanaadka Somaliland  Daa’uud Faarax ayaa u sheegay saxaafada in tirada Aradayda la filayo inay ka qayb galaan  ee u fadhiisanaya imtixaanaadku, wuxuuna ku dardaaray waalidiinta iyo Aradaydaba inay ka digtoonaadaan adeegsiga moobilada ee imtixaanaadka oo dhibaato u keeni kara Aradayga.

Marka laga yimaado dugsiyada dawladu maamusho waxa jira qaar ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ardayda wax ka barataa ka qaybgasho imtixaanaaka sannad dugsiyeedka.

Xilaga ay Aradaydu u fadhiisteen imtixaanaadka ayaa ku soo beegmay iyadoo wax ka yar laba todobaad ka hadheen maalinta loo asteeyay inay bulshada Somaliland codkooda dhiibtaan doorashada madaxtooyada ee loo qorsheeyay 26 Juun 2010.

Sidaa darteed ay Somaliland ka socdaan kaanbeyno iyo ololayaal saddexda xisbi ku kala jiidanayaan dadka, isla markaana ay samaynayaan isu soo baxyo uu mid waliba ku muujinayo cududa taageerayaashiisa.

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *