Faaqidaad, By,   Araweelo News Editor Qaybtii 3aad 

images/stories/madaxweyne rayaale oo fadhiya aasaaskii udub 

                                          Laba todobaad ka dib, iyadoo aanay weli shacbiga Somaliland kasoo waaqsan naxdintii dilkaa fawaaxishka ahaa ee lagu fuliyay haweenaydaa  ayaa  21,Oct, 2003, waxa magaalada

 

 

Sheekh lagu dilay Richard iyo

 Enid Eyeing ton oo ahaa Lamaane u dhashay dalka Biritain oo macalimiin ka ahaa dugsiga ay maamusho  hay’ada  SOS ee magaalada Sheekh, iyagoo waqtigaa caweyskii habeenimo ku sugnaa  guriga ay deganaayeen oo ay ku daawanayeen TV. Ka dib markii dablay aan la aqoonsani  dhafoorka ka toogteen , taas oo xaalada  amniga iyo deganaanshaha ka dhigtay mid aan laysku halayn Karin oo si weyn u dhaawacday sumcadii nabadgelyada iyo xasiloonida ee Somaliland mudada dheer ku caana maashay.

 

 Enid Eyeing ton oo ahaa Lamaane u dhashay dalka Biritain oo macalimiin ka ahaa dugsiga ay maamusho  hay’ada  SOS ee magaalada Sheekh, iyagoo waqtigaa caweyskii habeenimo ku sugnaa  guriga ay deganaayeen oo ay ku daawanayeen TV. Ka dib markii dablay aan la aqoonsani  dhafoorka ka toogteen , taas oo xaalada  amniga iyo deganaanshaha ka dhigtay mid aan laysku halayn Karin oo si weyn u dhaawacday sumcadii nabadgelyada iyo xasiloonida ee Somaliland mudada dheer ku caana maashay.

 

 

Inkasta oo dilalkani ahaayeen kuwo magaalooyiin kala duwan ka dhacay,  hadana waxay u muuqdeen kuwo xidhiidhsan oo  qaarkood u  dhexeeyay wax ka yar saddex todobaad, isla markaana waxa dhamaantood  la fuliyay habeenimo  xili caweys ah, waxayna  ahaayeen kuwo  qaab toogasho dhafoorka ah  si isku mid ah lagu fuliyay.

Shirqoolada dilalka ahaa ee sida is daba jooga ah uga dhacayay Somaliland waqtigaa  ayaa ahaa kuwo xukuumada Rayaale ku guuldaraystay inay gacanta ku dhigaan cidii ka danbaysay, ama  ay sameeyaan baadhitaano macquula oo iftiimin kara in la helo raad la raaco oo lagu ogaanayo cidii ka danbeysay iyo ujeedada laga lahaa shirqooladaa isdaba jooga ahaa , waxayna taa bedelkeeda  sameeyeen talaabooyin  u muuqday kuwo lagu majara habaabinayo  dhacdooyinkaa, iyadoo  kooxda xukuumadda rayaale ku eedaysay  xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Kulmiye, isla markaana  xabsiga u taxaabtay  dad muwaadiniin ah oo  qaarkood ahaayeen taageerayaasha  siyaasada xisbiga kulmiye, kuwaas oo  ay doonayeen inay madaxa u geliyaan shirqoolo iyo dilal aanay shaqo ku lahayn, iyadoo kooxda xukuumda Rayaale ku doodaya  in aanay shirqooladaa  foosha xun ee dilalku ahayn kuwo laga soo abaabulay, ama loo aanayn karo Koonfurta Somalia kooxaha isku haysta iyo maamulka Puntland toona, balse ay  gacanta ku hayaan dadkii fuliyay, isla markaana ku adkaysteen  inay shirqooladaa fuliyeen dad muwaadiniin somaliland  ahi.

Tusaale ahaan  Wasiirkii Arrimaha gudaha ee waqtigaa Ismaaciil Aadan Cismaan(ismaaciil yare) oo 6 Nov, 2004 warysi  uu siiyay Idaacada Horn Afrik  ee ku taala Muqdisho  la weydiiyay halka ay marayaan baadhitaanadii  iyo cida ay u hayaan dilalka dadka ajaanibka ah ee ka dhacay Somaliland, gaar ahaan  saddexdaa qof ee ugu danbeeyay ee lagu dilay Boorame iyo Sheekh, wuxuuna  isagoo ka jawaabaya arrintaa yidhi, “Runtii dilalkii dadkii gaysatay hadaan kaaga waramo Boorame gabadhii lagu dili jiray Annelina Tonelli waxa weeyaan baadhisteedu way socotaa ilaa 5 qofna waa loo hayaa kiiskeeda oo ay ku jiraan kolayba dadkii la filayay inay kiiska gaysteen welina baadhistu way socotaa ilaa laga gun gaadho cidii ka dambaysay.

 

Hadaan kaaga waramo dhinaca kale ee Sheekh ninkii iyo inantii isqabay ee (Lamaanihii) macalimiinta  iskuulka haysatay iyagana sidaa  si leeg baadhistoodu way socotaa 17 qof baa loo hayaa,  wixii falka gaystay iyo wixii saacidayay ee dabadeed kaalmaynayayba, wixii ka dambeeyay iyo wixii kelifayba waa wax gacanta lagu hayo,  iyagana baadhistoodu way socotaa.  laakiin labada dhinacba falalka cidii gaysatay ee dembiga gashay, cidii gacan ku dhiiglaha ahayd gacanta ayaan ku haynaa haddaan dawlada Somaliland nahay.” La soco..

 

By, Araweelo News Editor

Arta.abyan@yaahoo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *