Hargeysa (ANN) Gudoomiyaha UDUB ee musharaxa xisbigaa Daahir Rayaale Kaahin ayaa galabta kusoo laabtay magaalada hargeysa. Kadib markii uu socdaal

 

saddex maalmood qaatay oo uu taageero ugu raadinayay in mar kale loo doorto hogaaminta dalka kusoo maray deegaamo ka tirsan gobolka sanaag.

 

Mr. Rayaale waxa uu socdaalkaa kusoo maray deegaamo ka tirsan gobolka sanaag,waxa uu ahaa mid uu taageero ugu raadinayo ololaha doorashada. Kadib markii xisbiisa UDUB soo waajaheen kala daadsanaan iyo weji gabax ay kala kulmeen tan iyo markii isu soo baxyada Ololaha doorashada xisbiyadu ka bilaabeen dalka horaantii bishan.

Waxaana wararka la xidhiidha socdaalkiisu tibaaxeen inay shacbiga gobolka sanaag iyo deegaamada uu booqday si fiican usoo dhoweeyeen, balse ay u muujiyeen fariin cad oo ay ugu sheegayaan inaanu ku xisaabtamin inay wax coda siiyaan. Hase yeeshee ka hor intii aanu kasoo duulin xarunta gobolka sanaag ee Ceergaabo wuxuu shacbiga hadal kooban uga jeediyay fagaaraha Beerta xoriyada, isagoo weli sii wada balanqaadyadii sideed sanandood ka hor uu xiligan oo kale ku balan qaaday oo aanu waxba ka qaban.

Sidoo kale wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshay  qaar ka mid ah Odayaasha gobolka sanaag, kuwaas oo jawaabo weji gabax ku noqday ay kaga soo bexeen, iyadoo qaarkood weydiiyeen halka ay ku danbeeyeen balanqaadyadii hore iyo waxa uu ka qabtay. Waxa jiray warar socdaalka musharaxa UDUB ee xiligan ku tilmaamayay mid sheekooyin qarsoon iyo qorshayaal hoose lagu xidhayo, waxaana jira warar sheegaya in kulamadii ugu muhiimsanaa ee Mr. Rayaale halkaa u tegey qaarkood is bedeleen. Kadib markii xubno mihiim ah oo ka qayb qaadan lahaa iman waayeen, balse ay qorshayaasha iyo kulamada qaarkood si hoose u socden mudadii uu halkaa ku sugnaa.

Madaxweyne Rayaale oo ah musharaxa UDUB, isagoo aan wax rajo ah ka qabin gobolada dalka ee kale waxa  uu doortay inuu diyaarad u raaco gobolka ugu fog Somaliland oo uu awoodi waayay inuu maro wadada rafka ah ee dhibaatadu ka haysato bulshada gobolka, taas oo uu todoba sannadood ka hor balanqaaday inuu samaynayo, balse aanu waxba ka qaban.        

 Booqashada xiligan ee bulshada ku dhaqan gobolka sanaag  ayaan wax rajo iyo yidiidlo ah usoo kordhin musharaxa xisbiga UDUB  oo ay ugu danbaysay bulshada gobolkaa xiligii ololaha doorashada madaxtooyada ee la doortay isaga oo laga joogo todoba sanadood iyo saayid. Ka dib markii ay mudadii shanta sannadood ee dastuuriga ahayd, isla markaana uu ka war wareegay in dalka laga qabto doorashooyin xiliga dastuurku jideedayay, taas oo keentay muran iyo khilaaf siyaasadeed oo khatar geliyay xaalada. Kadib markii mudo kordhin aan sharciga waafaqsanayn loo sameeyay dhawr jeer. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *