Hargeysa(ANN) Maleeshiyada Al Shabaab  ee dagaalka kala soo hor jeeday dawladda taagta daran ee Somalia iyo huwanta ciidamada AMISOM ee taageera   ayaa si lama filaan ah uga  baxay dhammaanba goobihii ay difaaca kaga  jireen ee magaalada Muqdisho  oo  xarun u ahayd kow

 

 

labaatankii sannadood ee u danbeeyay xudunta qalalaasaha iyo dagaalada dabada dheeraaday ee Somalia.
Xalay saqdii dhexe ayay kooxaha malayshiyada Al-shaabab oo gacanta ku hayay inta baddan Somalia iyo xarunta magaalada Muqdsiho gebi ahaanba ka baxeen fadhiisimadii iyo saldhigyadii ay ku lahaayeen Muqdisho, iyagoo ciidamadooda ka daabushay goobihii ay difaaca kaga jireen ee Hodon, Wardhiigley iyo Boondheere, ma jiraan wax iftiiminaya  inay sababta Al-shabaab ugala bexeen ciidamadooda magaalada Muqdisho ay sabab u tahay dagaalo loogu awood sheegtay oo ku khasbay inay ka baxaan halkaa, isla markaana  lama sheegin sababaha ay u faaruqiyeen goobihii ay hayteen oo ay gebi ahaanba xalay ka baxeen.  Laakiin Af -hayeenka  xarakada Al-Shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage, ayaa ku tilmaamay arrintaa inay tahay mid ay ku beddeleen xeeshooda dagaalka, wuxuuna intaa ku daray in Muqdisho uun ay ku kooban tahay tallaabadani, balse aanay ku jirin meelaha kale iyo deegaamada ay ka taliyaan ee inta baddan Somalia gaar ahaan gobolada koonfurta.

Ciidammada Dowladda taagta daran ee Somalia  ayaa isku balaadhiyay  qaar ka mid ah goobihii ay ka baxeen xarakada Al-Shabaab.  Iyadoo madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia  Sh. Shariif Sheekh Axmed, ku dooday inay ka adkaadeen maleeshiyada Al-shabaab oo ay sabab u tahay ka bixitaankooda magaalada Muqdsiho. Kadib markii sida uu ku dooday loogu awood sheegtay kooxdaa dagaalo mudooyinkii u danbeeyay ka socday halkaa,  Wuxuuna  ciidamadiisa uga digay inay boobaan hantida ummadda oo ay biliqaystaan wixii yaalay goobahaa ay ka bexeen Al-shaabab iyo dadka rayidka ah ee degan meelahaa hantidooda.
Sheekh Shariif waxa uu  sidoo kale uga digay dadweynaha Muqdisho in aanay tegin goobaha  Al-Shabaab ka bexeen ee  magaalada, isagoo taas sabab uga dhigay  sida ay suurta gal u tahay  inay  waxyaabaha qarxa  kaga tageen goobahaa.

Ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya ujeedada ka danbaysa inay Al-shaabab sidaa kaga baxaan magaalada Muqdsiho. Haddii aanay ahayn xeelad dagaal oo cusub. Laakiin  warar xog ogaal u ah ka bixitaanka Al-shabaab ee Muqdisho oo  si hoose shebekada Araweelonews u heshay ayaa sheegaya in mudooyinkii u danbeeyay xarakada Al-shabaab oo lala xidhiidhiyo Urur weynaha shebekada Al-qaacida  qorshaynaysay tan iyo horaantii sannadkan 2011 inay bedelaan istiraatiijiyadooda dagaal. Kadib markii wax guul ah laga gaadhi waayay dagaalka ay ka wadaan Somalia. sidaa awgeed ay go’aansadeen qorshe cusub oo la xidhiidha dagaalka ay kaga soo horjeedaan danaha reer galbeedka , kaas oo ay doonayaan in la koobo ciidamada ka jooga dhinaca Somalia ee hawlgalada dagaalka eek ala duwan ka wada, isla markaana la xoojiyo dagaalada ka socda Dalalka Yamen, Libya ee kacdoonada kooxaha xidhiidhka la leh Ururkaasi ka wadaan  dalalka galbeedka Afrika, iyadoo  dhamaadkii Jun 2011 ururka lagu magcaabo Bokka Haram oo lala xidhiidhiyo kooxda Al-Qaacida sheegeen inay dagaalka ay ka wadaan halkaa sii wadi doonaan ilaa inta dawlad islaami ah laga dhisayo wadanka Nayjeeriya.
Dhawaaqa Ururkaa ayaa ka danbeeyay. Kadib markii   shebekada Araweelonews  warbixin ay baahisay 11 May 2011 ku sheegtay  in  Boqolaal kale oo ka mid ah  dagaalyahanka Al-shabaab ay u haajireen dalalka Yamen  iyo Libya si ay uga dagaalamaan halkaa, iyadoo  koox lagu qiyaasay inay gaadhayaan dhawr boqol oo u baddan muhaajiriinta ka dagaalama  u talaabeen bilihii u danbeeyay dhinaca dalka Yamen oo lagu tilmaamo xudunta aasaaska u ahayd shebekada weyn ee Al-qaacida, kuwaas oo lala xidhiidhiyo kooxda ka dagaalanta Somalia  ee Al-shabaab. Waxaana warbixinta xiligaa Araweelonews ku sheegtay inay warar iyo tibaaxo laga helay dhinaca dalka Yamen oo sheegeen  inay kooxaha hoos yimaada urur weynaha Al-qaacida qorshaynayaan in marka xukunka laga tuuro hogaamiyaha dalka Yamen, maadaama dagaalka Somalia ku dabo dheeraaday, isla markaana hawlgalo sanadii u danbeeyay lagu fuliyay hogaanka Al-qaacida iyo Al-shabaab lagu laayay xubno mihiim ah oo xudun u ahaa dagaalada ka dhanka ah danaha Reer galbeedka. Sidaa awgeed gebei ahaanba la bedelo qorshaha istiraatiijiyada dagaalka oo la xoojiyo bogcadaha mihiimka ah ee kacdoonadu ka socdaan sida dalka Yamen  oo marka xukunka laga tuuro Cali Cabdale  Saalax  ay taasi    fursad weyn u noqonayso  inay gacanta ku dhigaan marinka istiraatiijiga ah ee  gacanka cadmeed, iyagoo u arka inay gacan ku dhigista magaalada istiraatiijiga ah ee Cadan  u suurta gelinay sidii  ay qorshohooda hawlgalada ka dhanka ah danaha reer galbeedka uga fulin lahaayeen halkaa.
Sidaa awgeed waxa la rumaysan yahay inay qorshaha ay A-shaabaab ciidamadeeda uga baxday magaalada Muqdisho tahay xeelad dagaal iyo qorshe istiraatiijiyad cusub, balse aanay ahayn mid meesha ka saaraysa hawlgalada dagaaladii ay ka wadeen Somalia. laakiin ay talaabadani horseed u tahay xeelad dagaal iyo hawlgalo cusub oo ku wajahan Somalia iyo meelo kale, balse waxaynu ka war sugaynaa talaabada tan ku xigta ee ay qaadaan Al-shaabab oo ah Urur weynaha dhalinyarada shebekada Urur weynaha Al-qaacida.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *