Flag of BelgiumHargeysa (ANN) Mr. Ilya Rank oo ahaa 60 jir u dhashay Republic Of Republic of Belarus  ayaa caawa caweyskii ku geeriyooday guri ee deganaa oo ku yaala Koonfurta Magaalada Hargeysa ee duleedka Star. Ninkaa ayaa Maydkiisa ay ciidanka Baadhsita denbiyada Somaliland (CID) kasoo qaadeen halkaa, iyadoo la

 

geeyay cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.
Taliyaha ciidanka Laanta Baadhista Denbiyada Daahir Abraar ayaa shebekada wararka ee Araweelonews oo kula xidhiidhay khadka Teleefoonka  u xaqiijiyay geerida Ninkaa oo u dhashay Dalka Republic Bella Russia, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waxa uu noo sheegay Nin la joogay inuu daawanayay Telefishanka. Kadibna mar keliya sameeyay dhawaaq qaylo ah oo uu dhacay sidaana ku dhintay. Markaa ma jiraan wax nabaro ah oo lagu arkay, waxaana loo malaynayaa inuu u dhintay xanuun wadnaha ah, maydkiisana waxa la keenay Ninkaa dhakhtarka.”  Ayuu yidhi Daahir Abraar oo u waramayay Araweelonews.
Wuxuuna intaa ku daray in Ninkaa Bearusianka l ahi ahaa pilot ka mid ah kuwa shirkadaha Diyaaradaha ka shaqeeya Somaliland iyo Somalia ee midawgii soviet ee burburay. Maydka ninkaa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda loo duuliyo dalkiisa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *