Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo  ayaa maanta socdaal shaqo ugu kicitimay dalalka Ethiopia   iyo China.Madaxweyne Siilaanyo iyo  wetigiisa oo galabta ka dhoofay madaarka

caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa. kadib muran saacado  kooban qaatay
waxa socdaalkiisa ku wehelinayay Marwada koowaad Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Beeraha, Macdanta iyo Biyaha, Madaxtooyada, Arrimaha dibada iyo Maareeyaha Dekedda Berbera.
“Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu Hoggaaminayay ee galabta ka ambo baxay madaarka Hargeysa waxa socdaalkoodu ku siman yahay illaa dalka Shiinaha waxaanay sii marayaan Ethopia  oo ay ku hakanayaan wax aan ka badnayn maalin, ka dibna waxay u gudbayaan dalka China,”ayuu yidhi Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka warbixinayay socdaalka Madaxweynaha.
Waxaanu isagoo ka hadlaya ujeedada socdaalka wefdiga Madaxweynaha yidhi,  “Ujeedada socdaalka weftigani waxay daba socotaa xidhiidh u socday  labada wadan iyo wada hadallo ay yeesheen mudadii sanadka ahayd ee xukuumaddu jirtay.”
“China waxa uu ka mid tahay meelaha uu khudbaddii sanadka uu ku xusay markii uun la hadlayay Goleyaasha, China waa dal weyn oo dihin. Waa dal weyn oo ka mid ah dunida horumartay dhinaca dhaqaalaha iyo farsamadda. Waana dal wax ka tari kara wax badan oo baahiyaheena ka mid ah,”ayuu yidhi Af-hayeenku.
Mr. Cukuse waxa uu sheegay in socdaalka Madaxweynuhu la xidhiidho sidii dalka China uu Somaliland uga taageeri lahaa dhinaca farsamada lagaga faa’iidaysanayo khayraadka dabiiciga ah sida shiidaalka, Biyaha, Beeraha.
“Waxa kale oo ay weftigu u tegayaan sidii ay maalgashi uga soo heli lahaayeen sharaa’iga waaweyn ee  dalkaa iyo sidoo kale  China oo dalka  hore uga caawin jiray dhinaca biyaha iyo Wadooyinka inay mar labaad doorkeedii qaadato ayaanu rajaynaynaa,”ayuu yidhi Af-hayeenka Madaxtooyadu.
Madaxweynaha Somaliland waxa Madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somalland C/raxmaan C/llaahi  Ismaaciil (Saylici) Wasiirro  ka tirsan xukuumadda iyo
Guddoomiyaha xisbul xaakimka  tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyadoo Madaxweynuhu ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland.
Dhinaca kale Diyaarada qaadaysay wefdiga Madaxweynaha oo dalka Ethiopia usoo diray ayaa maanta duhurkii soo fadhiisatay Madaarka magaalada Hargeysa, balse wefdiga ayaa ka duulay halkaa galabnimadii. Kadib markii sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen dad goob joog ahi muran iyo khilaaf hakiyay wefdiga Madaxweynaha uu ka dhacay Madaarka, iyadoo sida ay xoggahaasi tibaaxeen ay sabab u ahayd xiligii la filayay inay wefdiga Madaxweynuhu baxaan oo dib u dhac ku yimi. laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu doonayay ka hor inta aanu kadhoofin dalka inuu kulan laqaato ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland  Mahinga, kaas oo ay wefdiga isku weydaarteen galabta madaarka hargeysa.  sida ay sheegayaa wararka u dhuun daloola wefdiga madaxweynaha   dib u dhacaa  ayaa  sababay  inuu Bayloodka Diyaaradu ku dooday in aanu haddii gabalku dhaco fadhiisan Karin Madaarka weyn ee Addis Ababa. Sidaa awgeed ay wefdiga madaxweynuhu kala doortaan inuu caawa u hoydo Hargeysa subaxnimadana uu ka baxo, ama ay caawa seexdaan Dirirdhaba oo aanu dhaafi Karin,  balse ay taa ku gacan saydheen wefdiga xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay, isla markaana muran qaatay ku dhowaad saacad ka dib wefdigu ku qanciyeen inay la hadlayaan Madaxda Ethiopia oo aanay suurta gal ahayn in Madaxweynaha iyo wefdigiisu dib uga dhacaan safarkooda ay dalka Ethiopia u dhaafayaan dhinaca dalka China. Laakiin diyaarada ayaa kacday xili danbe, waxayna wararka la xidhiidha socdaalka wefdiga Madaxweynaha  Somaliland sheegayaan inay wefdigu caawa u hoydeen magaalada Dirir-dhaba, halkaas oo ay subaxnimada ka duulayaan iyagoo ka degaya Addis ababa si ay safarkooda u sii wataan.   

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *