Hargeysa(ANN) Munaasibada maalinta ciida fitri ayaa lagaga dhawaaqay dunida Islaamka. Kadib markii ay dhamaatay bisha barakaysan ee Ramadaan dalaka Suciidaga Iran wadamo baddan oo kale ayaa lagaga dhawaaqay munaasibada  maalinta ciida.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhanbaal hanbalyo ah oo uu ugu talo galay munaasibadaa u diray shacbiga Somaliland iyo shucuubta Islaamka.
Dhanbaalka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa u qornaa sidan:-

“HAMBALYADA MADAXWEYNE JSL, EE MUNAASIBADDA CIID-AL-FIDRIGA
Assalamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatu. Maanta waa maalin weyn oo qiima ku leh caalamka islaamka.
Munaasabadda ciid-al-fidriga waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhammaan ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan waxaan munaasibaddan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland oo aan Ilaahay uga baryayo in uu soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta bugtana ka dul qaado xanuunka.
Beesha caalamka iyo cid kasta oo awood u leh in ay kaalmo ka geysato waxaanu ugu baaqayna in ay gurmad la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ay xoolihii ka baxeen ee reer Somaliland oo aad u tabaalaysan. Iyagana Ilaahay waxaanu uga baryayna inuu ciwad khayr qaba ugu soo badalo.
Sida aynu ka warqabno dalkeena oo kaliye maaha, balse, Geeska Afrika waxaa jirta abaar xun oo si weyn u saamaysay dad badan oo ay qaarkood ka barakaceen guryahoodii, sida dalka aynu walaalaha iyo deriskaba nahay ee Soomaalya, illaahayna waxaanu uga baryayna in uu ka dul qaado abaarta.
Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa antum bilkhayr.
Hambalyo.. Hambalyo..Hambalyo.”.

Dhinaca kale munaasibada ciida awgeed shebekada wararka ee Araweelonews waxay akhristayaasheeda iyo ummada islaamkaba meel walba oo ay joogaan  ugu hanbalyaynaysaa munaasibada Ciidal fitriga, waxaan leenahay Ciid Mubaarak kulu caamu wantum bi khayr.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *