Silanyo iyo Mhinga araweelo news networkMadaxweyne Siilaanyo iyo Mhinga ergayga qaramada Midoobay ee Somalia March 24 2011 Image Araweelo News

Hargeysa (ANN) U qaybsanaha Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida ee Somaliland iyo Somalia ayaa socdaal aan hore loo shaacin ku yimi caasimada Somaliland ee Hargeysa  Ambassador.  Augustine oo   shalay kasoo degay gegida diyaaradaha ee Cigaal international, waxa

 

socdaalka uu ku yimi Somaliland ku weheliyay xubno oo ka tirsan jamciyada quruumaha ka dhaxaysa qaybeheeda kala duwan.
Wasiirka arrimaha Debeda Somaliland Dr. Maxamed C//laahi Cumar iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa kusoo dhoweeyay madaarka, waxaana socdaalkiisa lagu sheegay mid qaadan doona laba maalmood.  Ambassador.  Augustine  iyo wefdiga uu hogaaminayay waxay maanta qasriga madaxtooyada kulan kula yeesheen  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxaxamuud ( Siilaanyo ) , ma jiraan warar si rasmi ah looga soo saaray kulankaa, balse tibaaxo laga helay dhinaca madaxtooyada ayaa sheegaya u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews inay labada dhinac ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo wakiilka qaramada midoobay kaga wada hadleen xidhiidhka wadashaqayneed iyo xoojinta iskaashiga u dhaxeeya jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sida ay wararku iyo tibaaxaha kasoo baxay kulankaasi sheegayaan  waxa uu si gaar ah uga hadlay xaaladda abaareed iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta meelo badan oo ka tirsan Somaliland iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la xoojiyo doorka ay ka qaataan hay’addaha qaramada midoobay taakulada iyo samato bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen, maadaama ay waqtigan Xukuumadda Somaliland ku dhaliishay hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobay sida ay uga gaabiyeen xaaladaha abaaraha iyo biyo dhaamiska ka jira Somaliland. Sidaa awgeed uu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday inay gargaar caalami ah oo degdeg ah lasoo gaadhaan dadka ku tabaaloobay abaaraha.
U qaybsanaha arrimaha Soomaalida ee qaramada Midoobay Ambassador . Augustine Muhinga  oo ah ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa tilmaamay taageerada UN-tu ay u hayso horumarka Somaliland ee dhinacyada dimuqraadiyadda, nabadgalyada iyo maamul wanaaga. Wuxuuna balanqaaday  inay qaramada midoobay u hawl gali doonaan wax ka qabashada xaaladaha bini-aadannimo ee ay sababeen abaaraha soo noqnoqday ee ka jira guud ahaan mandaqadda geeska Africa gaar ahaana Somaliland.
Laakiin Waxa uu xusay sida ay lama huraanka u tahay in layska kaashado nabadeynta iyo xakamaynta kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dhismaha nabadda iyo xasiloonida mandaqadda geeska Africa.
Dhinaca kale Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay U qaabilsan  Arrimahha Binu aadantinidda Iyo dib u dejinta ee Somaliland iyo Soomaaliya  Mr. Mark Bowden  iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa todobaadkan Garoonka diyaaradaha ee Magaladda Burco, taas oo ahayd tii ugu horaysay ee masuul xilkaas u hayaa qaramada midoobay  ku tago magaalada Burco.
Socdaalka qaramada midoobay iyo saraakiisha jamciyada quruumaha ka dhaxaysa ayaa kusoo beegmay xili ay soo baxayaan warar sheegaya in qaramada midoobay dagaal u gashay sidii dhaqaallaha ay dawlado badni ugu baaqeen somaliland in toos loogu dhiibayo Xukuumadda oo aan hada wixii ka danbeeya lasoo marinayayn mashaariicda xiligan dib u dhiska Hay’addaha qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah, balse taasi ay ka cadhaysiisay masuuliyiinta qaramada midoobay ee maamula mashaariicda gargaarka ee Somaliland  iyo  guud ahaanba soomaaliya. Sidaa awgeed ay masuuliyiinta qaramada midoobay sameeyeen isku dayo ay ku doonayeen in dawladdaha mashaariicda dib u dhiska ku balanqaaday ay soo mariyaan lacagtaa oo ay iyagu maamulaan, balse ay taas ku guuldaraysteen, iyadoo ay dawladaha Britain, Denmark iyo USA si toos ah u sheegeen inay mashaariicda horumarinta iyo shaqo abuurista ee dhinaca Somaliland si toos ah ugu dhiibayaan Xukuumadda somaliland oo ay kala xisaabtamayaan.
Talaabooyinkaa ayaa wararka dhinaca dublamaasiyada ee la xidhiidha socdaalka masuuliyiinta qaramada midoobay wakiilkeeda Somaliland iyo Somalia iyo sidoo kale wakiilka ku magcaaban gargaarka aadaminimo ku yimaadeen somaliland lala xidhiidhiyay, iyo sidii ay meesha uga saari lahaayen fashilka isku daygooda ay doonayeen inay ku hor istaagaan caawimooyinka somaliland sida tooska ah loogu wareejinayo Xukuumadda,.
Dhinaca kalena waxay talaabooyinka ay dawladaha waaweyn qaarkood sida tooska ah ugu sheegeen inay caawimooyinka somaliland ku wareejinayaan Xukuumadda abuureen inay saraakiisha qaramada midoobay oo lagu eedeeyo musuqmaasuq iyo inay caawimooyinka gargaarka bini aadanimo ku lumiyaan Nairobi oo aany gaadhin dadkii loogu talo galay bilaabeen dedaal ay ku doonayaan inay fadhiga ka kaacan, taas oo sababtay inay booqdaan gobolo aanay weligood booqan sida booqashadii uu Xidhiidhiyaha Qaramadda Madoobay U qaabilsan  Arrimahha Binu aadantinidda Iyo dib u dejinta ee Somaliland iyo Soomaaliya  Mr. Mark Bowden  iyo wefdi  uu hogaaminayaa ku tageen todobaadkii hore magaalada Burco, isagoo sheegay inay xafiisyo ka furanayaan gobolada dalka oo dhan. 
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in socdaalka wakiilka qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somalia yahay mid xidhiidh la leh socdaalkii xidhiidhiyaha qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha mashaariicda bini aadanimo ee todobaadkan uu ku booqday magaalada Burco.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *