photo file By, Carrale M. Jama
photo file By, Carrale M. Jama
Hargeysa (ANN)- Gudida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday natiijada liiska diwaangelinta ee zerfarka. Sidaana waxay ku sheegeen shirjaraaid oo ay saaka  si wada jir ah ugu qabteen Hutelka Imperial ee magaalada.   Afhayeenka xubnaha gudida doorashooyinka Maxamed Hirsi Geele oo ay hareera  fadhiyaan xubnaha kale ee komishanka ayaa  hadal uu halkaa ka jeediyay ku sheegay inay ku guulaysteen hagaajinta iyo dib u sixidii lagu sameeyay hawshii diiwaangelinta ee Zerfarka oo natiijadeeda la sugayay dhawrkii bilood ee u danbeeyay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Maanta waxanu go’aansanay in aanu isugu nimaadno shirkan jaraa’id oo aanu u wada dhanahay oo ka duwan waxyaabihii aan keligay ka hadli jiray,  sababtoo ah, waxaynu wada ogsoonahay markii nala magcaabay ( komishankacusub) inay ku timi xaalad, iyadoo uu jiray heshiis ay xisbiyadu wada galeen oo beesha caalamkuna ay qayb ka ahayd, kaas oo ujeedadiisu ahayd in komishan cusub la sameeyo si doorashada soo socota iyo kuwa ka danbeeyana lagu galo diiwaan gelin, isla markaana Zerfakii xumaaday  la sameeyo oo loo soo kireeyo khuburo Caalami ah, kuwaas oo hawshoodu ahayd inay baadhaan oo sifeeyaan. Kadibna komishanku ku go’aan qaato natiijada kasoo baxda.”

Afahayeenka komishanku waxa uu sheegay inay komishan ahaan hawshaa Zerfarka u qorsheeyeen inuu maro Afar marxaladood, kuwaas oo kala ah in Computerka lagu qabto wixii khalad ah,  ama ku celcelinayay,  in zerfarka lagu qabto, iyadoo la raacinayo Computerka Indhaha Aadamiga, in kaadhadh cusub lasoo sameeyo ka dibna liiska soo baxa loosoo bandhigo dadweynaha oo la siiyo kaadhadhkaa cusub wixii ku celceliyayna la qabto, taas oo sida uu sheegay suurta gelinay inuu soo boxo liis nadiif ah oo doorashada lagu galo.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay marxalada Afraad  ee wax lagu saxayay tahay maalinta codaynta in la yareeyo ku celcelinta codka, iyadoo la isticmaalayo farsamooyin badan oo khadku ka mid yahay.

Mr. Maxamed Xirsi Geele wuxuu isagoo ka hadlaya tirooyinka laga saaray  iyo ta lagu soo kordhiyay Zerfarka mudadii hawsha kala shaandhanta iyo sixitaanka lagu jiray yidhi, “waxa laga saaray 70,000 (todobaatan kun) oo qof, kuwaas oo ahaa caruur. Sidoo kale tiro gaadhay 100,000 (boqol kun ) oo qof oo xisbiyadu markii hore yidhaahdeen ha laga saaro ayaa dib  loogu soo celiyay. Sidoo kale ilaa 100,000 (boqol kun) oo qof oo aan markii hore la gelin Computerka ayaa markii dib loogu noqday ay kasoo bexeen 90,000 (sagaashan kun). Markaa waxaanu ka saaray 70,000 (todobaatan kun), halka aanu soo kordhinay 80,000 (sideetan kun), taasna macneheedu maaha in aan waxba la qaban ee waxa la qabtay 100, 000 (boqol kun) iyo 70,000 (todobaatan kun), wixii la qaban karayay ee softiweerka iyo qalabka ugu casriyaysani qaban karayay waa la qabtay, waana lagu guulaystay. Laakiin maaha in aan khalad ku jiri Karin, taasna waxaanu qabnaa inay tiro aad u yar noqonkarto, balse 90% waxan odhankarnaa waa lagu guulaystay, waxaana rajaynaynaa in tiradaa yare e khaladka ah lagu sixi doono kaadhadhka aanu bixinayno iyo khadka la isticmaali doono, waxa noo hadhay  in la laalo taana ma samaynayno, waxa noo hadhay in diiwaan gelin cusub la sameeyo taana ma yeelayno. Sidaa darteed Liiskanina waa mid sax ah oo lagu geli karo doorashada, waxaanuna go’aansanay in aanan ummada iyo dalka dib ugu celin halkii laga yimi Sep 2009 ee hore loo socdo, wixii aynu iska xumaynona cidna inoo hagaajinmayso, waana inaad ogaataan in aan cid danbe inoo soo gurmanayn, markaa anagoo haysana kalsoonida ummada liiskaa waa lagu geli karaa,”.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinku wuxuu isagoo ka hadlaya natiijada tirada ay hada hayaan yidhi, “natiijada tirada aanu hada haynaa waa hal milyan iyo dheeraad, balse maaha taasi ta ugu danbaysa ee doorashada lagu gelayo ee waxa doorashada lagu gelayaa tirada u danbaysa ee kasoo baxda marka la qaybiyo kaadhadhka cusub oo aanu bilaabayno todobaadka u horeeya ee May, waxaana doorashada loo diyaargaroobayaa sidii aanu hore u sheegnay bisha Juun 2010 ee fooda inagu soo haysa, waxa keliya ee maanta naga maqanina waa kaadhadhkii oo dhowaan nasoo gaadhaya.”

Xubnaha komishanka oo la weydiiyay sida ay jedwelkooda u waafajinayaan xeerka doorashada ayaa sheegay in aanay talaabooyinka hawsha ay wadaan ka hor imanayn xeerka doorashooyinka iyo shuruucda kale ee dalka, balse ay waafaqasn yihiin nidaamka iyo xeerka doorashada. Sidaa awgeed aanay kuwa doodahaa qabaa ahayn kuwo ka duulaya xeerka doorashada iyo shuruucda kale ee doorashooyinka.  

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *