Hargeysa(ANN)Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane  Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Somaliya Mr. Augustine Mahiga oo

 

shalay galabnimadii Booqasho  aan hore loo shaacin ku yimi Somaliland.
Qoraal saxaafadeed kasoo baxay kulankaa ka dib qasriga madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyada ayaa  lagu sheegay ujeedada booqashada Mahinga ku yimi Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:-
“Mr. Augostine  Mahiga waxa uu madaxweyne ku xigeenka soo gaadhsiiyey Salaan uu Somaliland uga sido Xog-hayaha guud ee qaramada midoobay oo dhawaan ay madaxweynaha JSL,  ku kulmeen South Sudan iyo guddida Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay oo uu sheegay inay labaduba somaliland ku amaaneen waxqabsigeeda dhinacyada nabad-gelyada iyo maamul wanaaga.

Augostine Mahiga waxa uu Madaxweyne ku xigeenka uga waramay ujeedada Socdaalkiisa oo uu sheegay in ay tahay xogogaal u noqoshada xaalada Guud ee Abaaraha ka jira Somaliland iyo gaar ahaanba Mandaqada geeska Afrika siiba somaliya

Mahiga waxa uu ka waramay in ay abaaruhu Mandaqada si xun u saameeyeen gaar ahaana ay si xun u saameeyeen Somaliya oo gaadhsiisan heer Macaluul ah, waxa uu qiray in ay abaaruhu ka jiraan Somaliland laftigeeda laakin aanay gaadhsiisnayn heerka Barakaca iyo Macaluusha gaadhay ee Somaliya,

Augostine waxa uu carabka ku dhuftay in ay kooxda hubaysan ee Argagixisada ah ee  Al-shabaab ka bexeen Magaalada Muqdhisho isaga oo sheegay in aanu fahmi Karin sababta ay uga baxeen inay tahay sida ay sheegteen mid xeelad dagaal ah iyo inay jabeentoona balse uu shegay in ay haadan magaalada muqdisho faaruqiyeen.

Augostine Mahiga waxa uu Somaliland ku amaanay sida ay uga gaashaamatay abaaraha iyo Argagixisada labadaba, waxaanu uga digay in ay kooxdaa Al-shabaab ee ka baxday muqdisho saamayn ku yeelankarto, isaga oo sheegay in ay Somaliland ku kalsoon yihiin sida ay had iyo jeer uga gashaaman tahay ama Difaaca ugaga jirto la dagaalanka Argagixisada, Budhcad badeeda iyo Abaaraha intaba.

Augostine Mahiga waxa uu Somaliland ku amaanay sida ay shacbi iyo dawladba isaga kaashadeen in ay abaarihii dhawaan sida xun u saameeyey  gacantooada kaga adkaadeen oo ay maalkooda iyo muruqooda isugu geeyaan inay samata bixiyaan  dadkoodiii ay abaaruhu saameeyeen

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa isaguna waxa uu dhiniciisa si faah-faahsan uga waramay xaalada guud ee dhaqaale, iyo siyaasadeed ee Somaliland, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay abaartu uga jirto Somaliland waxaanu sheegay inay jiraan  dad ay abaartaasi si xun u saamaysay.

waxa kale uu madaxweyne ku xigeenku tilmaamay in ay somaliland joogaan dad ay xoolihii ka baxeen bilowgii xiligan abaarta kuwaas oo u baahan in dib loo xooleeyo.

Waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan bara kacayaal ku soo qulqulay Magaalooyinka ay abaartu dabada ka wado gaar ahaan gobolada bari ee somliland kuwaas oo u baahan in iyaguna gacan loo gaysto.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in ay abaartu raad muuqda kaga tagtay Somaliland welina ay jirto meelo fara badan sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku tilmaamay cabsida taagan ee biyo la’aanta iyo Abaarta ay ku hayso Somaliland, taas oo uu ugu baaqay Augostine mahiga iyo Beesha Caalamkaba in ay gacan ka gaystaan oo ay si dhakhso ah inta aanay imanin abaar la mid ah oo gaadhsiisa heerka ay maanta somaliya marayso.” ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale Mr.  Augustine Mahinga  oo ay xidid yihiin xoghayaha xiligan ee qaramada Midoobay Bank Moon   ayaa u oloyeeya  sidii  Somaliland oo lagu majeerto deganaansho iyo xasi looni, isla markaana ah qaran ka madaxbanaan Somalia oo ay ka hirgaleen doorashooyin soo jiiraty indhaha beesha caalamku loogu dhex tuuri lahaa  mushkilada Somalia ee qalalaasaha iyo dagaaladu ka aloosnaayeen dhawr iyo lbaatankii sanadood ee u danbeeyay.  Wuxuuna Mr. Augustine Mahinga ayaa markii uu Madaarka Hargeysa kasoo degay shalay waxa uu warbixinta ujeedada socdaalkiisa ku sheegay inuu u socdo sidii hogaamiyayaasha Somaliland loola socodsiin lahaa halka uu marayo shirka kooxaha Somalia ee ay qaramada midoobay hawshiisa wadaan. 
socdaalada Mr. Mahinga  ee booqashooyinkiisa  dhinaca Somaliland ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo uu uga faa’idaysto qorshaha mala awaalka siyaasada madhalayska ah ee  qaramada midoobay ee ku wajahan xaalada mushkilada Somalia, isagoo warbixino khaldan ka bixiya kulamada uu la yeesho Madaxda Somaliland. si kastaba ha haatee xukuumadda Somaliland waxa la gudboon inay dib u eegto kulamada Mahinga iyo booqashooyinka uu ku yimaado Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *