Muqdisho(ANN)Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa ka dalbaday guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee DKMG ah inuu sida ugu dhaqsaha  badan xorriyadooda ugu soo celiyo qaar ka mid ah  ilaaladiisa gaarka ahaa oo dhowaan loo qabtay

 

tuhun la xidhiidha qaraxii ka dhacay horraantii April Tiyaatarka Muqdisho.
Qaraxaa oo  la doonayay in lagu khaarajiyo Raysal wasaaraha, balse ay ku dhinteen toddoba qof oo isgu jiray xildhibaano, saraakiil dawladda ka tirsan iyo dad kale, isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 25-qof oo ay ku jireen suxufiyiin. Kadib markii munaasibad ka socotay Tiyaatarka oo lagu xusayay sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dib u howgelintii Telefishinka Soomaaliya. Balse uu  haleelay qarax sida dawladu sheegtay ay ka samaysay goobtaa  gabar dhallinyaro ah, taas oo laga shakisan yahay sidii ay kusoo gashay Tiyaatarka oo amaankiisa la adkeeyay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxa dalabkiisa ku sheegay qoraal  codsiga ah oo soo baxay Arbacadii lasoo dhaafay, wuxuuna  ku xusay in isagoo tixgelinaya howsha guddiga baadhista qaraxii tiyaatarka,  isla markaana eegaya xuquuqda uu muwaadiniinta uu codsanayo in haddii aanay jirin dambi dadkaas lagu
horgeynayo maxkamad xorriyadooda dib loogu soo celiyo.
Xubnaha uu ra’iisul wasaaruhu dalbanayo in xorriyadooda loosoo celiyo ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin sidan: –
G/sare, Maxamed Cabdi Qaybdiid
G/lle, Maxamed Daahir Cabdulle
Dhamme, Cabdiweli Maxamed Ilig
Dable, Cabdi Yaasiin Cali
Dable, Khadra Daahir Xallane
Cismaan Ibraahim Macallin Cali
Maxamed Faarax Cali iyo
Cabdfiitaax Cali Xasan
Qoraalka ra’iisul wasaaruhu uu ku dalbanayo sii daynta xubnaha ilaaladiisa ka mid ahaa,  wuxuu u cuskaday qodobbada dastuurka ee kala ah: qodobka 16-aad farqaddiisa labaad iyo lixaad, qodobka 17-aad farqaddiisa labaad xarafka A, qodobka 48-aad, 52-aad iyo 53-aad.
Dhinaca kale Dadkaa oo dhammaantood  xabsiga loo taxaabay  badhtamihii bishii hore,  ayaa ku jira  xabsi ay leeyihiin ciidammada nabadsugidda DKMG ah, kaas  oo ku dhow madaxtooyada, isla markaana ilaa hada maxkamad lama horgeyn dadkaa iyo kuwo kale oo baddan oo loo qabtay, ama lala xidhiidhiyay tuhun ah  inay  lug ku lahaayeen qaraxaa, balse Raysal wasaaruhu kuma soo hadal qaadin codsigiisa dadka kale ee sidan oo kale loo xidhay tuhunka ee aan weli maxkamad la geyn oo ay waajib ahayd inuu u hadlo. laakiin wuxuu codsigiisa ku koobay oo keliya Ilaaladiisa gaarka ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *