Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo Dhalliilo Culus U Xanbaariyay  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Kuna Baaqay Shirweyne Qaran Iyo Qodobo Ay Soo BandhigeenHargeysa (Araweelo News Network) Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa sheegay in dalku marayo halkii ugu naxdinta badnayd muddada 22-ka sanno ah ee Jamhuuriyada Somaliland madaxbannaanida haysatay, kuwaas

 

oo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku dhalliilay maamul-xumo, keli-talisnimo, caddaalad-darro iyo ku tumasho sharci.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Muj. Xasan Guure Jaamac, ayaa qoraal dhinacyo badan taabana oo uu ka soo saaray magaalada Hargeysa kaga hadlay xaalada dalka Somaliland xilligan ku sugan yahay oo uu ku tilmaamay inay tahay halkii ugu naxdinta badnayd ee dalku gaadho muddadii 22-ka sanno ahayd ee Somaliland jirtay, waxayna  Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyeen inuu qaab keli-talisnimo ah dalka ku maamulayo.

“Madashu waxa ay aaminsan tahay in tan iyo markii ay talada qabatay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka ku timi dib-u-noqosho khatar badan. Inkasta oo Madashani qirsan tahay in Madaxweyne Siilaanyo loo soo doortay si dimoqraadi ah, sidaa awgeedna uu sharciyad ku fadhiyo kursiga, haddana waxaa muuqda in taab-gaabnida iyo gaabiska ku jira hawl-gudashadiisa oo marka horeba su’aal gelinaysay kartidiisa gudashada waajibka saaran ay u sii dheer taladii dalka oo uu u maamulayso qaab keli-talisnimo ah.

Waxa laga takhalusay gebi ahaanba habkii daciifba ha ahaadee jiri jiray ee isu-dheellitirka iyo is xakamaynta hay’adaha dawladda. Sharci-dejintii waxa laga dhigtay golayaal shaambadeed lagu dan qumisto, waxana muuqata in golayaashaasi faraha ka qaadeen waajibaadkoodii lammaanaa ee ahaa dabagalka dawladda iyo dejinta sharciyo wanaagsan. Garsoorkiina waxa uu noqday maxkamaddo loogu adeego doonista golaha xukuumadda oo keliya. Inta badan ee awoodihii Madaxtooyada waxa loo gacan geliyey shaqsiyaad khusuusi ah oo si aad u fool xun ugu takri-falay awoodihii, dalkana u maamulaya sida meherad qoys leeyahay.

Xorriyaddii saxaafadda ayaa la cabudhiyey,  amma si qaldan looga faa’idaystay. Dhismihii hay’adaha maamulka ayaa faraha laga qaaday, kuwii jirayna waa la daciifiyey. La-xisaabtankii dawladda ayaa ka hadalkiisiiba meesha laga saaray. Waxaana dhaqan noqday musuqmaasuq rasmiya oo nidaamsan. Qaraabo-kiilkii iyo maamul-xumadii lagu hayey hantida iyo ilaha dhaqaale ee dalkuna waxa ay maraysaa meel aan hore loo arag, oo gaadhay heer aan akhlaaq ahaan loo adkaysan karin. Qaabka mansabka iyo kursiga lagu helayo ayaa isna noqday mid la yaab leh. Sinnaantii siyaasiga ahayd, u dhammaanshihii talada iyo isu dheelli-tirnaantii dawladda ayaa lumay. Gobolladii darafyada ayaa tabaya in cidla’ lagu illaabay, doorashooyinkii ugu dambeeyey ee la qabtayna si aad u fool xun ayaa loo maamulay, waxana lagu sameeyey khiyaamo iyo wax-is-dabamarin cad oo aan la saamixi karin,” ayuu Xasan Guure Jaamac ku yidhi qoraalkiisa.

Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranku waxa kale oo ay ka dayriyeen qodobo khuseeya dhinacyada arrimaha bulshadda, kuwaas oo si gaar ah farta ugu fiiqay in amnigii dalku meel xun marayo oo fal-dambiyeedku ku sii badanayaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Waxa kale oo madasha wada-tashigu dhalliishay siyaasadda arrimaha dibedda xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo ay ku eedaysay inay ku fashilantay inay dunida uga turjuntu arragtida, doonista iyo himilada shacabka Somaliland, kuwaasoo qoraalkooda ku sheegay in Madasha Wada-tashigu si aad ah uga shakisan tahay xikmada iyo siyaasadda xukuumada ee ku waajahan Soomaaliya, iyagoo sidoo kale xusay in dhaqaalihii dalku hoos u dhacay, sicir-bararka, shaqo la’aanta iyo tabriibka dhallinyartuna sare u kacday.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashigu waxa uu qoraalkiisa ku iftiimiyey qaabka lagaga bixi karo dhibaatooyinka kala duwan ee ay ku eedeeyeen xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi; “Waxa aanay Madashani aaminsan tahay in dhibaatooyinkaas oo dhan lagaga gudbi karo laguna sixi karo iyada oo la adeegsado jidkii caddaa ee ay Somaliland hore u soo tijaabisay oo ahaa Wada Tashi, Fikir is-dhaafsi, isu tanaasul iyo is faham dhex mara dhammaan dadka lexe jecladu ka hayso dalka oo ay ku jirto xukuumaddu.”

Qoraalka ka soo baxay Muj. Xasan Guure Jaamac waxa lagu sharaxay in Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranku tahay madal isu keentay, mujaahidiintii SNM, aqoonyahan, wax-garad, siyaasiyiin, ganacsato, xubno ka mid ah qurba-joogga Somaliland iyo muwaaddiniinta caadiga ah, isla markaana ay wakiillo ku leeyihiin ururrada bulshada ee haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay, ee dhammaan gobollada dalka Somaliland, isagoo xusay inay furan tahay xubin ka noqoshada madashaasi.

“Madashani ma’aha hay’ad siyaasiya, mana sheeganayso haba yaraatee wax awood amma mansab siyaasadeed oo sharciya ah. Xubnaha Madashan ee hadda iyo kuwa laga yaabo inay ku soo biiraanba waxay ballanqaadayaan in aanay Madashan u isticmaalin sallaan ay ku gaadhaan dano shaqsi amma wadareed iyo ujeeddooyin gaar ah. Madashu waxa ay hawlaheeda iyo tallaabooyinka ay qaadayso oo dhan u maraysaa hannaan sharciga dalka waafaqsan, wax dhisaya, aslaaxinta bulshadana ka shaqaynaya, qaybna kama noqon doonto tallaabo kasta iyo ujeeddo kasta oo lagu qasayo, lagu qiimo tirayo amma lagu dhibaataynayo dalka iyo dadkiisa, wanaagga dalkan ayaana ah himilada keliya ee ay Madashani laabta ku hayso, rajaynaysana inay hagaagto,” ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Waxa kale oo qoraalkaas lagu soo bandhigay aragtida iyo ujeedooyinka Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, kuwaasoo ay ka mid yihiin;

“Ø In dhidibbada loo taago maamul-wanaagga, kalsoonida, in la dhiso hay’ado qaran oo madax bannaan, in la helo hannaan la xisaabtan oo lagu kalsoonaan karo, iyo in dawladda dhexdeeda laga hirgeliyo nidaamka isu-dheelli tirnaanta iyo is hubinta.

Ø In horumarin iyo dib u habayn fiican lagu sameeyo dastuurka dalka oo uu ku jiro laaxin badan, mad-madow, is-burin iyo nusqaamo kale.

Ø In la xakameeyo oo lala dagaallamo qabyaaladda, eexda iyo musuqa oo muddooyinkan dambe xadhkaka goostay.

Ø In dib-u-habayn iyo dib-u-eegis lagu sameeyo meelaha ay tahay in uu dhaqaalaheennu mudnaanta siiyo, iyo maamulka ilaha dhaqaalaha iyo khayraadka qaranka.

Ø In dib u qiimayn lagu sameeyo qaab-dhismeedka siyaasiga ah ee dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo in aan talada iyo awoodda dalka laga fogeyn muwaaddiniinta oo dhan, gaar ahaan gobollada la fogeeyey, iyo in la helo caddaalad iyo is-raacsanaan inta hadda ka badan.

Ø In dib u qiimayn iyo eegis dhab ah lagu sameeyo guud ahaanba istaraatijiyadda arrimaha dibadda iyo siyaasadaha dalka, si gaar ahna diiradda loo saaro hannaanka loo marayo, iyo xikmadda lagu dhisayo iyo weliba cawaaqibka ka dhalan kara wada-hadallada socda ee lala leeyahay Soomaaliya.

Ujeeddooyinka Madasha:

In sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah loogu baaqo shirweyne qaran oo isu keena wakiillo ka socda dhammaan qaybaha kala duwan ee daneeyeyaasha qaranka, sida, xukuumadda, xisbiyada siyaasadda, labada gole ee sharci-dejinta, hoggaamiyeyaasha dhaqanka, culimada diinta, wax-garadka, aqoonyahanka, qaybaha bulshada rayidka ah, ururrada dhallinyarada iyo dumarka iyo qurbo-joogga, iwm.

Ujeeddooyinka shirweynahaas:

Ø In la falanqeeyo, si xeel dheerna loo lafa guro xaaladda uu imminka dalka marayo.

Ø In la isla xaddido, lana daweeyo dhibaatooyinka, caqabadaha iyo khataraha waqtigan la joogo soo waajahaya qaranka.

Ø In la isla eego, lana soo bandhigo xuluusha ugu habboon, uguna suurtogashan, kadibna la isku waafaqo la islana meel dhigo, si dhaqan gelintooda iyo fulintoodu ay ugu waajibto dhammaan dhinacyada ay khusayso.

Ø In la dhiso Guddi awood leh oo ka shaqaysa dabagalka iyo hubinta dhaqan-galka dhammaan go’aamada ka soo baxa shirweynaha, iyo inay xaqiijiyaan in dhammaan go’aamadaas ay waqtigii loogu talogalay fuliyeen dhinacyada ay khusaysaa,” ayuu Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranku ku gunnaanaday qoraalkiisa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *