breaking News arraweelo,comCeergaabo(Araweelo News Network) Mudaharaad waqti kooban socday oo la doonayay in lagu hor istaago qorshe xukuumadda Somaliland Magaaladda madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo

 

shalay ka bilawday oo ahaa sidi lacagta  Giimbaarta ah  ee hore uga shaqayn jirtay Gobolkaas looga bedeli lahaa.

 

Mudaharaadka oo ahaa mid ay soo abaabuleen kooxo shebekad isku xidhan oo ka macaasha mushahaarooyinka iyo raashinka shqalaaha iyo ciidamada dawlada ayaa la doonayay in lagu carqaladeeyo qorshaha xukuumadda ee lacagta lagaga bedelayo xarunta gobolka Sanaag ee Ceergaabo, balse waxa ujeedooyinka kooxda soo abaabushay dadkaa oo socod ku maray wadooyinka magaalada, isla markaana ku gubay meelaha qaar Taayiro, iyagoo ku dhawaaqaya “doonimayno lacagta Somaliland”, waxay gaadheen Xarunta Dawlada Hoose iyo  xarunta Gobolka, balse qorshaha kooxdaa ayaa dhicisoobay. Kadib markii dadwenaha intooda badan soo dhoweeyeen talaabada xukuumadda ee bedelka lacgta.

Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo maalmihii u danbeeya si weyn loo hadal hayay in lacag malaayiin isugu jirta Giinbaarta la doonayo in la bedelo iyo lacago kale oo Foojari loo ekeysiiyay lacagta Somaliland lagu sheegay in shixnado lacagahaa ah laga soo rogay xeebaha gobolka Sanaag. Sidoo kalena qaar ka mid ah lacagahaa lagu hayo magaalada Boosaaso ee dhinaca Puntland, iyadoo la doonayo in mudada la bedelayo lacagta Giinbaarta ee Noodhka Soomaaliyadii hore oo ka kooban 1000 s sh. Suuqa la geliyo si dhaqaalaha Somaliland loogu wiiqo lacagahaa oo xadigooda iyo cida wadata si cad loo ogayn.

Xukuumadda Somaliland ayaa si ay arrintaa uga hortagto waxa gebi ahaanba xidhay xuduuda Somaliland la leedahay Puntland, balse waxa jira warar sheegaa in mar horeba lacagahaa lasoo geliyay magaalada oo lagu hayo goobo ka mid ah magaalada Ceergaabo, lacagtaas oo ka kooban Giinbaarta la bdelayo oo lasoo daabacay iyo lacagta Somaliland oo la foojarigareeyay.

 

Dhinaca Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo ku sugan Xarunta Gobolka Sanaag, isla markaana halkaa u tegey si loo bedelo lacagtaa ayaa  shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Ceerigaabo ayaa waxa uu shaaca kaga qaaday in maanta ay si rasmi ah uga dhaqan gashay magaaladda Ceerigaabo bedalaada lacagtii Giimbaarta ahayd,  iyadoo dadweynaha lacagtaas loogu bedalayo lacagta shilinka Somaliland.

 

Guudoomiyaha Baanka Dhexe waxa uu sheegay in laga bilaabo maanta lacagta keliya ee ka shaqaynayso gobolka bulshaduna ay wax is-dhaafsan karaan ay tahay lacagta shilinka Somaliland, wuxuuna xusay in bedelaada lacagta Gimbaarta ah ee magaaladda Ceerigaabo lagu dhamays-tiri doono muddo sideed iyo afartan saacadood ah.

 

Waxa kale oo Gudoomiyaha Baanka Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi uu sheegay,in bedelaada lacagtu ay maanta ka bilaabantay sideed goobood oo ka mid ah Gudaha magaalada Ceerigaabo, dadweynuhuna ay ka bedelanayeen goobahaasi. Waxaanuu Carrabka ku adkeeyey in mudadaa sideed iyo afartanka saacadood ah ee ka bilaabantay maanta wixii ka danbeeya aan lacagta Giiinbaarta ah waxna lagu iibin Karin waxna lagu iibsan Karin, isagoo xusay in degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ay hore u joojiyeen isticmaalka lacagta Giimbaarta ah, balse gudoomiyihu ma sheegin xadiga lacagta taala halkaa ee Baanka Somaliland bedelayo iyo qiimaha ay ku kacayso, waxaana taa bedelkeeda la sheegaya in ay jiraan dilaaliin mashaariic durba ka dhex abuuray bedelka lacagtaa oo dad gaar ah lagu siiyay qandaraasyo hoose oo Naas nuujin ah.

 

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *