Rand Paul, John McCain, Jeff FlakeWashington(Araweelo News Network) Guddiga arrimaha debedda ee Aqalka odayaasha Mareykanka ayaa ansixiyay in Madaxweyne Brack Obama  weerar ku qaado dalka Suuriya . kadib markii uu aqalka

 

Odayaasha ka dalbaday in ay taageeraan.

Fadhi ay magaalada Washigton ku yeesheen golaha Odayaasha Mareykanka waxay dood dheer kadib 10 cod ku ansixiyeen in Melleteriga Mareykanka ay weerar dhinaca cirka iyo Badda ku qaadaan xukuumadda Dimishiq,  waxaana ka aamusay  in Maraykanku qaado talaabo Milateri 7 xildhibaan.

 

Guddiga xidhiidhka arrimaha debedda Mareykanka ayaa Obama uga digay in uu ciidan dhulka ah u isticmaalo dagaalka Suuriya,”Toban kamid ah guddiga cilaaqaadka arrimaha debedda Mareykanka ayaa ansixiyay in duulaan lagu qaado Bashaar al-asad si loo yareeyo halista uu ku hayo bulshada,  balse waxay ka digeen in ciidan lugta ah ka qeyb qaataan howlgalka”ayaa lagu yidhi war kasoo baxay Aqalka cad ee Mareykanka.

 

Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in duulaanka lagu qaadayo Suuriya uu naqdo mid xadidan oo aan ka badnaan 60 maalmood illaa 90 maalmood,dhinaca kale golaha Koongareeska ayaa lafilayaa in tdodobaadka  soo socda in ay isku raacaan faragelin uu Mareykanku ku sameeyo dalka Suuriya.

 

Dhinaca kale  Xoghayaha Qaramada Midoobay  Bank Ki Moon ayaa ka digay khatarta ka dhankarta tallaabo Milateri oo Maraykanku ka qaado Suuriya, iyadoo aan la marin golaha amaanka ee qaramada midoobay, wuxuuna sheegay in haddii la dhinac maro sharciga iyo qawaaniinta qaramada midoobay ay taasi dunida u horseedi karto fawdo iyo kala danbayn la’aan.

Xoghayaha qaramada Midooba Bank Moon waxa uu sheegay jawaab laga sugo kooxda khuburada  ah ee qaramada midoobay u direen Suuriya si loo xaqiijiyo in la adeegsaday hubka xambaarsan sunta neerfayaasha waxyeesha, waxa uu si adag u sheegay in cida xaqiijinta arrintaa lihi  ay  tahay qaramada midoobay, isla markaana talaabada la qaadayo marka kooxda qaramada  midoobay u dirtay Suuriya soo saarayaan warbixintooda, taas oo golaha amaanka la hordhigayo haddii loo baahdo si talaabo milateri Suuriya looga qaado.

Mr. Bank Moon waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la ilaaliyo shuruucda iyo qawaaniinta aduunka , isla markaana talaabo milateri oo aan golaha amaanku ogolaan ay noqonay mid aan sharci ahayn oo horseedi karta qalalaase iyo inay arrintu faraha ka baxdo.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in eedeymaha Mareykanka ee ah in Suuriya ay isticmaashay hub kiimiko ah ay yihiin kuwo aan micno sameyneyn. Mr Putin waxa uu sheegay in haddii ay Washington hasyo wax xaqiiqo ah ay caddeyso eedeymaha, isla markaana ay soo hor dhigto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Raysal Wasaaraha Britain ayaa tageero u waayay inuu qayb ka noqdo weerarkaa. Kadib markii Baarlamaanka Birain, balse Madaxweynaha   Faransiiska ayaa ku jira dedaal uu taageero ugu raadinayo in weerarka uu la qaado Maraykanka, wuxuuna wasiirka arrimaha Debeda Farance baarlamaanka ka jeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlayo khatarta Suuriya, waxana Faransiisku weli ku jiraan sidii ay baarlamaankoodu u ogolaan lahaayeen duulaanka dhinaca Cirka iyo Badda ah ee la doonayo in lagu qaado Suuriya.

 

Maraykanka iyo wadamada kale ee Reer galbeedka ayaa duulaankooda waxay marmarsiimo uga dhiganayaan in xukuumadda Bashaar adeegsatay  hubka kiimikada, balse dowladaha Iiraan iyo Ruushka ayaa dhinacooda ku dhawaaqay in ay isbarbar taaganyaan maamulka Bashaar al-asad.

Wadamada carabta ayaa ku kala qaybsan in Talaabo Milateri laga qaado Suuriya, waxaana jirta cabsi soo waajahday gobolka. Kadib Maraakiibta dagaalka la dhoobay Bada cas iyo dhinaca Midhitareeniyanka ee xeebaha kulaalaalaya Suuriya.

Dalalka Isaril iyo Sucuudiga,  Qadar iyo Baxrayn  ayaa cabsida ugu weyni soo waajahday, kuwaas oo ka cabsi qaba in ay haleelaan jawaabaha xulufada Suuriya ka bixiyaan weerarka Maraykanka a la kulmaan, waxaana maalmihii lasoo dhaafay  iyo saacadihii u danbeeay si weyn looga dareemay gobolka cabsi iyo wer wer ka dhashay duulaanka la filayo in Marakanku qaado, kaas oo laga cabsi qabo inuu saamayn weyn ku yeesho amaanka mandaqada iyo xataa dunida kale.

info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *