yamanqarax1Sanca(Araweelo News Network)Qarax iyo weeraro wada socda ayaa saaka lala beegsaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Yaman, kadib markii dad naftood hurayaal ah oo miinaysan, kuwaas oo gudaha u galay

 

xili subaxnimadii hore oo ay ku sugnaayeen xerada Ciidamada iyo Saraakiisha Milateriga.
Waxaana mar keliya lagu warhelay dhawaaqa qaraxyo waaweyn oo kashaare dhimasho iyo dhaawac ah sababay. Sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Yaman, waxa ilaa hada la xaqiijiy in ay qaraxaa ku dhinteen 20 qof, kuwaas oo  lagu dilay qaraxaas, iyadoo  tirada dadka ku dhaawacmay lagu sheegay in ka badan 35 qof, kuwaas oo aan si cad loo sheegin inay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka dalka Yaman.
Gaadiidka gurmadka deg-dega ah oo goobtaa gaadhay waxyar ka dib la kulmay weerar tacshiirado rasaas ah, kadib markii ay kasoo baxeen dhismahaa iayagoo sida dhaawaca iyo dhismashada dadka koox dablay ah oo hubaysan weerareen, halkaas oo aan weli si cad loo oggayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, balse wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday ay ciidamada Milaterigu dileen, iyadoo maydadkooda laga ururiyay goobta.
Qaraxaa oo sababay khasaare weyn ma jirto cid sheegatay ilaa hadda, balse waxa lala xidhiidhiyay Ururka Al Qaacida Faraciisa gasiiradda carabta eek a hawlgala dalka Yaman, kuwaas oo dagaal kula jira xukuumadda ka jirta dalkaa.

Masuul ka tirsan Xuukuumadda Cabdo Raboow Mansoor Haaddi ayaa ku eedeeyay weerarka iyo qaraxyada lala beegsaday xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee Yaman in ay ka danbeeyeen kooxo taabacsan Madaxweynihii hore ee dalka Cali Cabdalla Saalax, balse ma jirto cid xaqiijin karta arrintaa eedaynta ah.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *