Hargeysa(ANN)Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Wasiirka Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maamulka Puntland uga digay haddii aanay joojin gardarada iyo farogelinta ay ku hayaan Somaliland inay ka shanlayn doonaan.Wasiir Xaabsade oo maanta u waraysi siiyay

Idaacadda BBC-da, oo wax laga weydiiyay inay maamulka Puntland wax lug ah ku leeyihiin dagaalkii shalay Kalshaale ku dhexmaray ciidammada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyadda SSC, ayaa sheegay inay ku lug leeyihiin,  islamarkaana ciidammo iyo shiidaalba u soo direen gurmad,”Way ku leeyihiin gacan, rasaasbay keeneen, shiidaalbay keeneen, afkana way ka hadlen oo shalay ciidanbay soo direen, ciidankiina reer Sool ayaa ka eryay, hadaydaan farrogelinta naga dayn tallaabaan qaadaynaa,, waanaynu is naqaannaa, hadayndaan farogelinta joojina waad ka shalayn doontaan.” ayuu yidhi Wasiir Xaabsade oo hanjabaad kulul u diray Maamulka Puntland.

Wasiirka Xaabsade waxa uu sheegay inay kooxda SSC shalay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidammada qaranka Somaliland ee ku sugan jiida Kalshaale oo xukuummaddu kala dhexdhigtay laba beelood oo dhawaan dagaal ku dhexmaray, waxaannu yidhi, “Ciidankaa  SSC isagaa wax soo weeraray, lama weerarin, markasta iyagaa ciidanka la dagaalamayay, Xaglatoosiyena madaxweyne Maaha, haddii aanu nahay reer Sool, Sanaag iyo  Cayna umma ogolin deegaanka inuu ka taliyo, odayaasha Buuhodle waanu wada hadalnay, yaa naga kexeyeeyay leeyihiin,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.

Wasiir Xaabsade waxa uu faah faahin ka bixiyay dagaalka ay SSC ku soo qaadeen ciidanka qaranka, “Waxaa wada niman nabad diida oo isku sheega SSC, reer Buuhoodlena dhibaato ku haya, ciidankaas mid jira oo cid ka wakiila maaha, dagaalkuna wuxuu ka dhacay Kalshaale oo madaxweynuhu ammar ka soo saaray in la aaso kharashkiina bixitat,  markii ay ogaadeen ee khamiistii ammarku baxay ayay weerarka soo qaadeen, waana niman nabad diida oo qollo kasta dhibaato ku haya,”

Wasiirku waxa uu intaa raaciyay oo yidhi, “Dadkii magaalada ee dhallinyarada ahaa ayaa lagu qanciyay dhulbaa laynaga qadaayaa, oo Somaliland iyo beelo inaga qaadayaan, markaa waa ciidammo dhallinyaro ah oo odayaashii maqli waayay, subaxniina odayaasha waanu wada hadalnay, iyagaana yidhi waanu la hadlaynaa, markii ay u tegeena waxay ku war heleen dagaalkii oo ay qaadeen.

Dadkayaga inaanu kasbano o soo dhawayno ayaa loo baahanyahay, laakiin arrintani markii hore laba beelood ayay ka dhacday, tiiba dadka lagu qanciyay oo lagu kiciyay in dhul laga qaadayo, dhulkiina waanu baabinay, odayaal iyo cidkastana waanu u dirnay sidii nabad loo dhallin lahaa,” ayuu yidhi Xaabsade.

Dhinaca kale xaalada deegaanka Buuhoodle ayaa degan maanta. Kadib markii dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay halkaa ka dhacay shalay. Dagaalkaa oo socday mudo dhawr saacadood ah ayaa dhexmaray malayshiyada SSC oo ay taageerto maamulka Puntland iyo ciidanka qaranka Somaliland eek u suganhalkaa, wasiir sheegatay inuu ka tirsan yahay maamulka puntland oo ku sugan deegaanka Buuhoodle ayaa u sheegay idaacada BBc-da in khasaaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu soo gaadhay malayshiyada SSC.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *