Hargeysa(ANN) Siyaasiga ruug-caddaaga ah, isla markaana ahaa  Guddoomiyihii Golaha Wakiiladda Somaliland  ee hore Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa  si taxarid leh uga hadlay xaalada deegaanka Buuhoodle ee dagaalku ka dhacay shalay, wuxuu ku baaqay

 

in degdeg loo joojiyo dagaalka khasaaraha culusi ka dhashay  ee dhimashada iyo dhaawaca keenay, kaas oo  shalay dhexmaray ciidanka Qaranka Somaliland iyo maleyshiyada SSC ee ay taageerto kooxda Puntland.

Md. Qaybe waxa uu sheegay in aan loo baahayn dagaalkaa, maadaama Madaxweyne Axmed Siilaanyo go’aan ka soo saaray degaanka Kalshaale ee la isku haysto.

Oday Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo hada degen gurigiisa magaalada Hargeysa waxa uu sidaa ku sheegay Qoraal kooban oo uu saxaafada ugu tala galay, kaas oo  u qornaa sidan;-

“Waxaan ka xumahay dagaalka saaka [shalay] 7/2/2011 ka qarxay deegaanka kalshaale oo sida la soo sheegay labada dhinac dhimasho iyo dhawac gaadheen. Dagaalkaas looma baahna maadaama arrimaha la isku hayo Maxdaxwayne Axmed Maxamed Maxamud go’aano ka soo saaray dhamyistirkodana gacanta ku hayo. Waxaan soo jeedinayaa in degdeg loo joojiyo xabadda oo nabad lagu soo dabaalo deegaamadaas.” Ayuu kusoo koobay qoraalkiisa Mr. Qaybe.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *