Asmara (ANN) Dawlada Eretria ayaa shixanado hub iyo rasaas ah usoo dirtay maamulka Puntland. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay warar laga helay dad kala duwan oo ku sugan magaalada Dekedda ah ee Casab.

Ilo wareedyada ayaa xaqiijiyay inay halkaa kasoo bexeen labadii todobaad ee u danbeeyay saddex shixnado hub iyo rasaas ah oo ay lagu soo raray saddex doonyood oo laga leeyahay dalka Yamen, kuwaas oo siday noocyo kala duwan oo hub ah iyo rasaas u baddan ta loo isticmaalo madaafiicda iyo qoryaha lidka diyaaradaha, waxayna wararku sheegayaan inay doonayahaasi shixnadaa rasaasta iyo hubka ah ku dejiyeen xeebaha maamulka puntland.
Sidoo kale warar kale oo shebekada Araweelonews ka heshay dhinaca magaalada xeebta ah ee Boosaaso ayaa sheegay in hubkaa iyo rasaastaa loo gudbiyay dhinaca Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, isla markaana qayb ka mid ah shixnada hubka iyo rasaasta loo gacan geliyay malayshiyada SSC ee ku sugan deegaanka Buuhoodle , si ay weeraro ugu soo qaadaan ciidanka qaranka Somaliland oo shalay dagaal ku dhexmaray halkaa.

Hogaamiyayaasha Malayshiyada SSC ayaa dhamaadkii sannadkii hore taageero hub iyo saanad milateri ka dalbaday dawladda federaalka Somalia ee taagta daran, balse kooxda  Sheekh Shariif ayaa ku gacan saydhay dalabka kooxda SSC. Hase yeeshee Dawladda Eretria oo gamcaha kula jirta mushkilada iyo qalalaasaha Somalia ayaa si weyn uga cadhaysan xidhiidhka Somaliland iyo dawladda Ethiopia. Talaabada ay Eretria   xiligan hubka iyo saanada milateri ugu daldalay dhinaca maamulka Puntland iyo kooxda SSC ayaa ka danbaysay qorshayaal siyaasadeed oo cusub oo ay samaysay wixii ka danbeeyay fashilkii Xukuumadda Somaliland ku fashilisay koox ka tirsan jabhada ONLF ee dagaalka kula jiray Ethiopia oo dhamaadkii saannadkii 2010 lagu qabtay xeebaha galbeedka Somaliland, kuwaas oo watay laba doonyood oo  ka yimi dhinaca Eretria,  isla markaana doonayay inay hawlgalo ka fuliyaan guddaha Ethiopia.

Sidoo kale ila wareedyo  iyo xogo dhinaca dublamaasiayada ah ayaa tibaaxaya inuu si weyn u wiiqmay xidhiidhkii ay Eretria la lahayd jabhadii ONLF eek u kacsanayd Ethiopia. Kadib markii ay kala qaybsanaan weyni ku timi jabhadaa oo qaarkood heshiis la saxeexdeen dawladda Ethopia, taas oo saamayn ku yeelatay qorshayaashii siyaasadeed ee Eretria ku lahayd gobolka. Sidaa awgeed ay go,aansatay inay kaalintii jabhadaa galaan kooxda SSC, kuwaas oo ay Ereteria ugu balanqaaday inay wixii ay taageero milateri u baahdaan siinayaan, iyadoo loo soo marinayo dhinaca Puntland. Sidaana loogu soo raray saddex doonyood oo hub iyo saannad milareri ah.

Dhinaca kale maamulka puntland oo hore  u diidanaa kooxda SSC, isla markaana baarlamankooda ka saaray laba mudane oo lagu eedeeyay inay u ololaynayaan kooxda SSC ayaa hada si weyn u taageersan malayshiyadaa, taas oo la rumaysan yahay inay ka danbaysay qorshaha cusub ee dawladda Eretria oo meesha ka saaray khilaafkii maamulka Puntland iyo cabsidii ay siyaasiyan ka qabeen kooxda SSC.

Maamulka Puntland sidoo kale shixnado hub iyo saannad  milateri uga soo iibsaday ciidanka badda ee Yamen dabayaaqadii sannadkii 2010, waxaana hubkaa laga dejiyay xeebaha Puntland. sidoo kale doon hub iyo saanad milateri siday ayaa dhamaadkii sannadkii hore Desember ku xidhatay xeebaha Puntland.taas oo kasoo dhaqaaqday Dekedda Casab. Dawladda Eretria  ayaa hore loogu eedayn jiray inay qayb weyn ku leedahay dagaalada ka socda Somalia, iyadoo lala xidhiidhiyo inay tababaro iyo hub siiso kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ee dagaalka kula jira dawladda taagta daran.

hakan ka akhriso war hore oo shebekadda araweelonews hore u baahisay  Monday, 03 January 2011 21:41

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *