Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Maxamuud C/llaahi Jaamac (Sifir), oo ka mid ahaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee aaminsanaa nidaamka Fedderaalka Somalia ayaa dalka dib ugu soo laabtay maanta. Kadib markii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

 

 

cafis u fidyay dhowaan.
Mr. Sifir waxa uu maanta kasoo degay Maddaarka Caalamiga ah ee Hargeysa  (Cigaal International), ayaa warbaahinta kula hadlay qolka nashada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dalkiisii oo muddo ku siman toddoba sanno uu dibada kaga maqnaa dib ugu soo laabto, wuxuuna mar wax laga weydiiyay aragtidiisa siyaasadeed ee midawga
Somalia oo siyaasiyiin kale weli hunguri ka hayo xusay in aanay qasab ahayn inay Somaliland dib ula midawdo koonfurta Somalia, taas oo uu ku tilmaamay rajo gudhay. Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxa burburay middawgii soofiyeeti, markaa hore ayay u mareen waxaanay ku talaabsadeen waxyaabo badan, laakiin Somalia halkeedii hoos ayay uga dhacday”.

Mr. Maxamuud C/llaahi Jaamac (Sifir), isagoo ka hadlaya dareenkiisa, markii uu kusoo laabtay dalka wuxuu yidhi, “Anigu aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta dalkaygii dib ugu soo laabto, waayo muddo ku siman todoba sano ayaan ka maqnaa afartii sano ee ugu dambeeyayna waxaan iska joogay Maraykanka” ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu tilmaamay in uu ku dedaali doono sidii uu dalkiisa hooyo wax ugu qaban lahaa “Waxa aan dalkayga dib ugu soo laabtay in intii aan wax qaban karo aan qabto, waxa aad ka warhaysaan in qiimayn badan oo aan sameeyay ay ku timid in aan dalkaygii dib ugu soo laabto”.

Mr. Sifir wuxu mudo dheer u shaqaynayay Qaramada midoobay, balse xiligii Somaliland lagaga dhawaaqay Xisbiyada wuxuu usoo jeestay inuu ka qaybgalo siyaasada, isagoo ka mid noqday saraakiisha ugu mihiimsanaa ee  xisbiga Kulmiye, laakiin markii doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 2003, natiijadeeda loogu dhawaaqay xisbiga UDUB, wuxuu kasoo jeestay Somalia, isagoo xiligaa ka qaybgalay dawladii ka dhalatay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay Nairobi, taas oo uu xilal kala duwan kasoo qabtay sida raysal wasaare xigeen iyo wasiir, balse mudooyinkii u danbeeyay wuxuu degel fadhi ku ahaa dalka Maraykanka, wixii ka danbeeyay dawladii C/llaahi Yuusuf oo loo aaneeyo Mr. Sifir inuu door weyn ka qaatay sidii saaxada siyaasada looga saari lahaa C/llaahi Yuusuf oo ay si weyn isugu maan dhaafeen siyaasadda. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *