Hargeysa(ANN)-Kulamo la doonayay in laysugu soo dhoweeyo Mudanayashaa Golaha Wakiillada ee watay mooshinka wax-ka-beddelka xeer-hoosaadka golaha iyo kooxda uu hogaaminayo shirguddoonku ayaa u muuqda kuwo sii shiiqaya. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay

mudanayaasha watay mooshinka wax ka bedelku dacwad ka dhan ah shirguddoonka u gudbiyey maxkamadda sare, taas oo ah maxkamada dastuuriga ah ee Somaliland.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda iyo mudanayaasha wakiillada oo si cad u sheegaya dacwada loo gudbiyey maxkamadda dastuuruga ah, hasayeeshee sida ay shebekadda wararka ee Arraweelonews u tibaaxeen xildhibaanno cod saday in aan magacooda la sheegin, waxa shalay Guddoomiyaha maxkamada sarre loo gudbiyey dacwad ka dhan ah shirguddoonka wakiillada. Dacwadda  oo lagu sheegay  inay ku tallaabsadeen shirguddoonka gollaha wakiiladdu gef dastuuri ah, isla markaana ku gefeen xeer hoosdaka gollaha. Kadib markii Toddobaadkii horre shirguddoonka golluhu fureen fadhigii, isla markaana xidheen gollaha, taas oo ay si weyn uga cadhoodeen muddanayaasha watay mooshinka wax ka bedelka xeer hoosaadka gollaha.
Siddaa awgeed waxay tibaaxaha muddanayaasha dacwadda gudbiyay ku doodayaan  inay  tallaabadda aan waafaqsanayn shuruucda iyo xeerarka dalka u yaal ee ku tallaabsaday shirguddoonku maxkamadda sare go’aan ka qaadato tallaabadda  sharci-jabinta iyo gefka dastuuriga ah ee toddobaadkii hore ka dhacay Golaha Wakiilladda.
Ma jiraan warar xaqiijinaya inay Maxkamadda sarre aqbashay dacwadda ay u gudbiyeen kooxdda mudanayaasha ahi iyo in kale, isla markaana waxa jira warar sheegaya in guddoomiyaha Maxkamadda sarre ganafka ku dhiftay dacawadda muddanayaasha.
Waxa maalmihii u danbeeyay socday wada hadalo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka gollaha ee u dhexeeya hadda shirgudoonka iyo koox muddanayaal ah oo wata qorshaha mooshinka wax ka bedelka gollaha, isla markaana kooxda mooshinka wadata ayaa guddi u saaray xalinta arrintaa dhinacooda,   balse Mudanayaasha watay mooshinka wax ka beddelka xeer hoosaadka gollaha, ayaa la sheegay inay aad uga cadhoodeen hadal ka soo yeedhay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo shalay ka dhawaajiyay inay xukuumad ahaan go’aan sadeen in aan waxba laga beddelin qodobka xeer hoosaadka ee qeexaya in shirguddoonka xilka lagaga qaadi karo saddex meelood meel ahaan tirada mudanayaasha wakiillada, iyada oo madaxtooyada Somaliland, markii ugu horreysay shalay soo bandhigtay mowqifkeeda ku aaddan khilaafka kala qaybiyey mudanayaasha Golaha Wakiillada iyo mooshinka muranka dhaliyey ee xildhibaannada qaarkood ku doonayaan wax ka beddelka xeerhoosaadka golaha. gaar ahaan qodobka ku saabsan tirada codadka xilka lagaga qaadi karo xubnaha shirguddoonka oo ah in la helo  saddex meelood oo meel tiradda mudanayaasha marka ay ogolaadaan(55) muddane.
Madaxweyne xigeenka  Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo u warramayey shalay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da iyo telefishanka madaxbannaan ee HCTV, waxa uu go’aanka Madaxtooyada ku tilmaamay mid lagaga hortegayo si looga badbaadiyo  khilaaf iyo qas joogto ah oo hadheeya goleyaasha qaranka, isla markaana aanay u dhicin in si fudud maalin kasta xilka looga qaado shirguddoonnada, sidaa daraadeedna ay xaaraan tahay in la dhimo tirada codadka lagu ridi karo, isagoo xusay in siddaa lag dhigay gollayaasha deegaanadda iyo baarlamaankaba. Kadib markii ay gollayaasha deegaanku noqdeen fawdo ee ay maalinba nin rideen, taas oo waqtigaa xeer hoosaadka gollaha wakiiladdana lagu saleeyay xiligii ay cusbaayeen. 
“Dawladaha hoose ayaa ahaan jiray hal dheeri, dhiubaatadii ka dhacdayna shacabku wuu ogaa oo isbbed-beddel badan ayaa ka dhacday oo labadii biloodba maayir cusub yimaado, taasi waxay keentay in si dalku u xasilo ay xukuumadu soo jeedisay in la gaadhsiiyo tirade maayirka lagu ridi karo saddex meelood meel ahaan (2/3) sida golayaasha kale, golahan wakiillada ee walaalahayo ah ee hawsha maanta wadana waa loo gudbiyey oo iyagaa ka dhigay in maayirka lagu ridi karo saddex meelood meel ahaan tirade xildhibaannada.
Ujeedada laga lahaana may ahayn in cid lagu ilaaliyo oo ashkhaas lagu difaaco ee waxay ahayd in degenaanshaha dalka lagu ilaaliyo, hay’ad dhisan haddii dusmistiisu gaadho waa in wax adag lagu dumiyaa ee maaha inuu noqd wax afar qof oo shirtaa dumin karto, anaga waxa maanta naga go’aan ah oo aragtidayadu tahay iyada oo madaxweynuhu madaxii qaaranka yahay waxaanu qaadanay in aan laga soo dhaadhicin saddex meelood meel ahaanta lagu ridi karo shirguddoonka wakiillada oo ah in goluhu aanu mar walba ku jirin buuq iyo isqabqabsi oo sannad hudihii aanay saddex shirguddoon isku beddelin, taasaana anaga naga go’aan ah,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.
Waxa kaloo Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan saylici uu caddeeyey in aanay xukuumad ahaan diyaar u ahayn farogelinta shaqada Golaha Wakiillada, haseyeeshee wuxuu carrabka ku dhuftay inay dhexdhexaadin kaga jiraan xal-u-helista khilaafka sida weyn u kala qaybiyey xildhibaannada golahaas, “Runtii marwalba waxa dareenkayagu ahaa in aanan dhexgelin hay’adda dastuuriga ah (Golaha Wakiillada) oo mar walba ay iyagu wataan hawlahooda, laakiin marwalba waa la isku xidhan yahay oo tallo waa la isku leeyahay oo tusaale ahaan markii ay mushahar kordhina dhinaca dhaqaalaha wateen waxay ahayd oo talladu ahayd aynu meel wax isla dhigto wixii aynu qaadi karno oo yaanu midna meel ka odhan waxaa hala keeno,iyada oo kii wax bixinayeyna aanu ogayn, tallo badan kadibna meel baanu ku dhamaynay (mushahar-kordhintii), iyada oo taasi dhamaatay ayey hadana walaalahay keeneen go’aan kale oo aan runtii wakhtiga loo baahnayn¸ xeer-hoosaadka wax-ka-beddelidiisa iyo wax ku daridiisu waa wax ay iyagu xaq u leeyihiin,laaiin waktigan maan oo adag oo laga soo gudbay laba marxaladood oo adag oo xaasaasiyada badan dalka ku keentay ayaan anigu markii madaxweynuhu maqnaa odayeyn ka dhexgalnay, odayeyntiina wali waanu wadnaa.” ayuu yidhi madaxweyne xigeenku.
si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in waan waantii iyo wada hadalo la doonayay in xal loogu helo khilaafka golluhu sii murgeen. kadib markii weedhaha kasoo baxay Madaxweyne xigeenku kala daadiyeen kulamadii socday maalmihii u danbeeyay ee la doonayay in xal loogu helo khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *