Amsterdam(ANN) Ernaud Van Dorn oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada The Hague ee wadanka Holland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu qaatay diinta Islaamka, isla mrkaana uu ka baxay gaalnimadii. sidaana waxa maanta uu Mr. Van ku sheegay
war lasoo dhigay bogga uu ku leeyahay Twitter-ka, kaas oo lagu sheegay in uu islaamka qaatay Islaamka oo ku dhawaaqayay Towxiidka, “Allaahu Akbar Allaahu Akbar’.
Ernaud Van Dorn oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada The Hague ee dalka Holland wuxuu isbaheysi la ahaa siyaasiga lagu magcaabo Geert Wilders oo lagu tilmaamo dadka islaamka canbareeya, isla markaana ku dooda in mujtamaca islaamka laga celiyo dalalka Yurub.waxayna labadaa ninba ahaayeen kiristanka sida weyn u dhaleecaya mujtamaca Islaamka
Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Holland ayaa ka hadlay dhacdadaa, iyadoo Idaacadda Caalamiga ah ee Holland iyo Wargeysyada kasoo baxa dalka Biljamka ay islaamnidda Mr. Van Dorn ay sheeciyeen, balse ay warbaahinta qaarkood ku tilmaatay talaabada uu qaaday ee uu ku qaatay diinta Islaamka in ay tahay mid dhinaca caafimaadka ah oo Mr. Van uu yahay qof xanuunsanaya oo madaxa xanuun ka hayo, balse Ninkaa ayaa lafilayaa in maalmaha soo socda uu magaciisa bedelo oo uu qaato magac Islaam ah.
Dhinaca kale wadamada reer galbeedka waxa sanadii u danbeeyay kusoo badanayay dadka qaata Diinta Islaamka, kuwaas oo u badan dad magac ku lahaa bulshooyinka ay kasoo jeedaan, isla markaana ahaa Kiristaanka ka jiba keena kiristaanimada, waxaana dadka ugu badan ee sanadii u danbeeyay diinta Islaamka qaatay ee dalalka Yurub u badnaayeen Dalka Faraniiska, kuwaas oo u badan dumarka sida ay sheegeen daraasado lagu faafiyay warbaahinta reer galbeedka.