Burco(ANN)Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka RAYS  Dr,Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi), ayaa maanta tageerayashiisu si weyn ugu soo dhoweyeen magaalada Burco,  isaga oo ka soo kicitimay magaalada Berbera oo u xalay u hoyday. Guddoomiyaha Ururka Rays ayaa

Gaadiid aad u badan iyo dadweyne fara badan oo lulayaya astaanta Ururkaas iyo Caleemo qoyan waxay kaga hortageen xadka kala qaybiya Gobolada Togdheer iyo Saaxil, iyagoo  u galbiyay dhinaca xafiiska cusub ee Ururkaasi ka furtay magaalada Burco kaas oo uu xadhiga ka jaray,
Dr. Gaafaadhi,  ayaa la  hadlay dadweynihi soo dhoweyay oo uu  uga mahad ce;iyay soo dhowayntaa, isagoo yidhi,  “waan idiinka mahad naqayaa soo dhawayntan aad nasoo dhawayseen,waxaan idin leeyahay waxaynu ku fadhinaa nabadgelyada ee waa inaynu ilaashanaa,waanan ka xunahay  dilkii foosha xumaa ee ka dhacay Seemaal oo ka tirsan degaanka Baki  waana in  cidii gaysatay  laga  abaal mariyo cidii loo gaystayna waa inay samraan,waxaanad mooda in wax badan oo qabya ahi ay jiraan xukuumaddana waxa laga rabaa inay wixii qabyo ah dhamays tirto sidii nabad waarta looga dhalin lahaa degaanka Ceelbardale.”
Gudoomiyaha  Urur siyaasadeedka RAYS, waxa kaloo uu ka hadlay gogosha nabadeed ee loogu baaqay deegaanka Buuhoodle iyo mashqashadii dhowaan ka dhacday gobolka Sanaag ee lasoo af jaray, isagoo arrimahaa ka hadlaya Dr. Xasan Gaafaashi waxa uu yidhi,  “waxaan  kaloo hambalyaynayaa nabadii Ceerigaabo iyo gogoshaa nabadeed ee uu suldaanku kaga baaqay shaqaqadii Kalshaale.”
Sidoo kale waxa uu ka hadlaya arrimaha doorashada golayaasha deegaanka iyo doorka gobolka Togdheer, wuxuu yidhi,  “Burco waa magaalo  madaxdii labaad ee dalka waa halkii Somaliland laga aasasay waa meeshii Xisbiga  Kulmiye ee talada dalka hayaa taageeradiisa ugu badani tiilay waxaan rajaynayaa inaad codkiina nagu tageeri doontaan waxa maanta  loo socdaana  waa golayaasha degaanka sidii loo  dooran lahaa,  waxaan rajaynayaa inaad dad wax tar ah aad u soo xulataan Golayaasha degaanka,waxaan ugu danbayn idiin shegayaa siyaasadu maaha wax meel fadhiya,  ama iska jooga ee  way guur-guurta maalinba waji bay leedahay inay idinka  khaldanto maaha waxaan idinku baraarujinayaa Gurigay degtoba inaad ka daba guurtaan oo aad la degtaan”,ayuu Guddimiyuha RAYS.

Sidoo kale waxa  iyaguna halkaa ka hadlay dad kala duduwan oo u ka mid yahay Mujaahid Carab Ducaale Cilmi kuwaas oo sheegay inay Ururkan tageero weyn u hayaan, isla markaana soo dhowaynayaan Ururka RAYS.
Gudoomiyaha RAYS iyo wefdiga la socda ayaa shalay si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Berbera, halkaas oo ay ka furteen xafiis cusub oo Ururkaasi yeelan doono.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *