Hargeysa(ANN)Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka Musuq-maasuqa oo ku beegan 9-ka December, ayaa laga xusay maanta Somaliland markii u horaysay, munaasibad si weyn loo agaasimay oo loogu talo galay xuska maalintaa ayaa xalay caweyskii lagu qabtay  Huteelka Maansoor ee

 

Hargeysa.
Munaasibadaa oo ay soo qaban qaabiyeen Komishanka Somaliland u qaabilsan Maamulanaaga iyo la-dagaalanka Musuq maasuqa oo ah Hay’ad uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyay markii uu talada dalka la wareegay dhamaadkii sannadkii hore. xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka musuq-maasuqa, waxa ka qaybgalaymasuuliyiin kala duwan oo ka socday Hay’addaha dawladda iyo kuwa caalamiga ah.
Guddoomiyaha Hay’adda Maamul wanaaga iyo ladagaalanka Musuq maasuqa Axmed Muxumed Madar oo ka hadlay munaasibada Caalamiga ah oo dunida oo dhan laga xuso  ayaa sheegay in Dawladd iyo shiciba uu saameeyay,  ama ka dhaco Musuq-maasuqu  sidaa awgeed loo baahan yahay in maanta laga bilaabo la joojiyo musuq-maasuqa.
Axmed Muxumed Madar waxa uu sheegay mudadii ay shaqaynayeen meelo badan wax ka qabteen, isla markaana wada shaqayn toos ah  kala yeesheen Wasaraddaha u xil saaran maamulka Qaranka,  isagoo ku booriyay masuuliyiinta ay wada shaqaynta leeyihiin meelaha qaarkood inaanay u arkin in shaqadoodii ay  ku xad gudubayaan, balse kaliya ay tahay in nidaan Dawli ah laga wada shaqaynayo.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Jaamac Axmed Maxamud (Oday) oo ka hadlay munaasibadaa  ayaa sheegay inay wada shaqayn fiican la leeyihiin Hay’adda Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa,  wuxuuna xusay wasaarad ahaan inay ku Guulaysteen inay wax ka qabtaan lacagihii la Musuq-maasuqi jiray.


Agaasimaha Maaliyaddu  waxa uu sheegay labada meelood ee ugu darnaa inay ahaayeen lacago Baanka laga sii isticmaali jiray iyagoon soo marin Nidaamka Xisaabaadka oo la odhan jiray hadhaw baa la buuxin doonaa inay joojiyeen,  isla markaana wax kastaa ay ku baxaan Nidaamka Xisaabaadka u degsan wasaaradda Maaliyadda Somaliland.


Sidoo kale waxa uu xusay inay joojiyeen lacagihii Adkaa ee Dalka soo geli jiray ee aan Dakhliga geli jirin iyo Sarifkii kolba waxa la doono lagu sarifi jiray oo ay ku sarifaan lacagta adag  kolba qiimaha Suuqu halka uu marayo, isla markaana ay  miisaaniyadda ku daraan.
Gebagebadii xaflada lagu xusayay maalinta Caalamiga ah ee la dagaalnka Musuq-maasuqa, waxa lagu soo bandhigay muuqaalo filomo ka hadlaya mushkilada Musuq-maasuqa iyo Heeso, kuwaas oo dareenka masuuliyiinta iyo marti sharaftii ka qaybgashay si weyn wax uga bedelay dareenkooda. halkan ka dhegeyso Heestii Musuq-maasuq Waa Cudur iyo Ereyadii Abwaan Axmed Shire (Baandheeye).

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *