Waxa jira walaac isa soo taraya oo ka imanaya siyaasada Qoyska Boqortooyada Sucuudiga, taas oo la xidhiidha arrimaha siyaasadeed ee ku waajahan dunida Islaamka iyo

guud ahaan Mandaqada Carabta.
Arrimaha ka taagan siyaasada qoyska reer boqor ee Dalka Sucuudiga ayaa abuuray muran iyo khilaaf u dhaxeeya madaxda sare sare ee dalkaa, kaas ay saamayn ku yeesheen taageerooyinkii dhacdooyinka siyaasadeed ee Inqilaabkii ka dhacay dalka Masar iyo doorkii ay ku lahaayeen Madaxda qoyska reer Boqor.
Sidoo kale arrimaha khilaafka siysaadeed ka dhaliyay dalka Sucuudiga wax aka mid ah istiraatiijiyada siyaasada arrimaha debeda eek u waajahan dalalka Suuriya, Iiraan, Turkiga iyo saamaynta ay arrimahaasi ku yeesheen xidhiidhka dalalka waaweyn ee Maraykanka iyo Britain ay la lahaayeen qoyska reer Boqor.
Khilaafka ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay kadib markii Amiir Cabdalla uu magcabay ninka dhaxli doona xukunka, taas oo aan waafaqsayn qaabkii qoyska reer boqor isaga dhaxli jireen xukunka.

Madaxda u sareeya Hay’adda sirdoonka dalka Sucuudiga oo lagu magcaabo Bandar iyo ninka lagu magcaabo Muqrin oo ah madaxii hore ee sirdoonka iyo  sidoo kale Khaalid Al-Tuwaariji oo ah madaxa maxkamadda Boqortooyada, isla markaana lagu tiriyo ragga ugu dhow dhow Boqor Cabdalla ayaa ah kuwa khilaafka ugu weyni ka dhex alosan yahay.
Arrimahan ayaa soo ifbaxay kadib markii dhowaanahan warbaahinta dalka Sucuudiga qaarkood iyo kuwa caalamkaba lagu arkay dhaleecayn lagu faaqidayo Taliyaha Sirdoonka ee dalka Sucuudiga Mr. Bandar.
Qoraaga caanka ah Jamaal Khashoggi  oo ka tirsan  wargeyska Al-Xayaat waxuu dhowaan qoray sidan:-  “sirdoonka gudaha iyo kuwa  aduunkuba ma awoodaan inay bedelaan taariikhda oo dhidibada u taagaan xukuumado cusub iyo magacaabida hogaamiyaal cusub”

Sidoo kale qoraaga Jamaal wuxuu kaloo intaa ku daray oo maaalkiisa ku ydhi,  “waxay noqon qalad weyn in lagu qeexo dowlad  ku tumata xuquuqda asaasiga ah ee ban’iaadanimo ee dalkeedana u ogolaata ciidamo shisheeyo oo ku tunta. dadkan aan ka hadlayo way og yihiin waxay samaynayaan iyo hadafkooda hase ahaatee waxay ku war-wersan yihiin khidadii ay ugu guuleysan lahaayeen. Waxaase cad in aanay sugeyn in sidaa loogu tilmaamo halyeeyo oo faras cad la saaro, waqtigii nin kaliya la daba joogi jiray wuu dhamaaday”. Ayuu yidhi, waxaana loo fasirtay inuu la hadlayo Taliyaha Sirdoonka dalka Sucuudiga, isagoo dhinaca kalena iftiimiyay kooxda iska soo horjeeda ee Qoyska Aala Sacuud.

Halkan Kasii akhri Riix

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *