Ethiopian shaqo doon ah1Addis Ababa(Araweelo News Network) Dawlada Dalka Ethiopia ayaa muwaadiniinteeda kala baxay dalka Sucuudiga. Kadib markii uu sharci cusub oo dalka lagaga saarayo malaayiin ajaanib ah soo saaray

 

qoyska Boqortooyada Sucuudiga.

Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia  ayaa sheegay in ay filayaan in ilaa 80,000 oo muwaadiniintooda ah inay ka soo saaraan dalkaas dalka Sucuudiga marka ay  soo gabagabeeyaan howlgalada la doonayo in dadkooda ay kagala soo baxaan dalkaa.
Dowladda Sacuudiga ayaa muddo toddoba bilood ka hor digniin ku siisay dadka ajnebiga ah ee sida shaci darrada ugu shaqeysta dalkeeda inay dalka ka baxaan ama ay samaystaan warqado sharci ah.

Dawlada Ethiopia waxay sheegtay in aanay arrintani wax saamayn ah ku yeelanayn xidhiidhkooda, iyadoo dawlada Sucuudigu dhinaceeda sheegtay in ay mudo ku filan siisay dadka ajaanibka ah eek u sugan dalkeeda.

Ethiopia waa dalka ugu badan xagga dadka ee qaarada Afrika, waxaana lagu qiyaasaa 91mily inay hada tirada dadka Ethiopia marayso, taas oo ay suurta gal tahay in haddii lagu soo celiyo tirada xadigaa ah ay saamayn ku yeelato dhaqaalaha dalka oo sanadahan danbe soo kabanayay, balse ay jirto shaqo la’aan iyo faqri si weyn uga muuqda dalkaa.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *