Layaab ayay ku noqotay shacbiga Somaliland markii ay maqleen dhacdadii todobadkii hore warbaahinta lagu soo bandhigay ee lagu khaarajiyay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo ahayd

 

gabadh ganacsato ah, taas oo markii muddo todobaad ku dhow ay raadinayeen qoyskoodu si lama filaan ah looga helay guri ku yaal bariga magaalada Hargeysa oo ahaa kii ay tagtay markii nolol ugu danbaysay.

Guriga laga soo saaray Maydka Marxuumada waxa deganaa qoyska Haweenay ay saaxiibo ahaayeen oo sida la sheegay ay ka doonatay lacag ay ku lahayd, balse shirqool loo diyaariyay ayaa lagu khaarajiyay Ruqiya, waxaana lagu aasay isla guriga dhexdiisa.

Intii ay ehelkeedu raadinayeen gabadhaa waxa jiray sheekooyin badan oo laysla dhexmarayay, kuwaas oo qaarkood ka dhigayeen gabdha la waayay in ay safar dhinaca Ethiopia ugu baxday oo loo malaynayo in ay tahriibtay, balse sheekooyinkaa iyo kuwo kale oo badan may ahayn kuwo qoyska gabdha marxuumadda ah ay rumaysteen.

waxay markiiba muujiyeen dareen shaki ah oo lala xidhiidhiyay waayintaabka gabadhaa in aanu raadkeedu ka bixin guriga ay tagtay ee Haweenaydaa, taas oo markii tuhunkii hore la xidhay ay sii daayeen Boolisku, balse baadhitanka oo sii socday iyo lacag laga shubtay Mobilka ay wadatay Marxuumaddu ayaa sheekadda wax badan ka iftiimiyay, waxaana ugu danbayntii la ogaaday t0dobaad ka dib in ay dileen qoyska ay u tagtay oo ay ku aaseen god ay ka qodeen gurigooda.

Ciidamada Booliska iyo Qoyska baadidoonka ku jiray ayaa maydka Marxuumadda kasoo saaray god ku yaal guriga dhexdiisa, waxayna sheekadaasi la yaab amankaag iyo naxdin ku noqotay dhamaan bulshada Somaliland, sababtoo ah ma ahayn dhacdada sidan ah mid hore uga dhacday geyiga Somaliland inta la ogyahay, waxayna sheekadaasi cabsi ku abuurtay inta badan bulshada Somaliland iyadoo sidoo kalena abuurtay doodo iyo su’aalo la xidhiidha jiritaabka dhacdooyin sidan oo kale ah oo aan waxba laga ogayn iyo ilaa ina ay soconayeen sheekooyin sidan oo kale ah oo lagu khaarajiyay dad badan oo la rumausan yahay in ay ku dhinyeen saxaraha Libiya oo lagu qoray Liiska Tahriibta.

ku dhowaaq 10 qof oo ay ku jiraan qoyskii deganaa gurigaa aya loo xidhay kiiskaa,waxa muuqata in dhacdooyinka dilalka noocan ah ee shirqoolada waxashnimada ah oo ku cusub geyiga Somaliland yihiin kuwo laga soo minguuriyay sheekooyinka iyo qisaska Musal-salada laga daawado shaahadaha ee qaarkood la turjumay oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Maxsico, kuwaas hada loo turjumay in ay yihiin Turki, isla markaana laga mamnuucay wadamada Islaamka intooda badan kadib markii la arakay in ay si weyn u dhaacayaan dhaqanka iyo caqiidada bulshada Islamka.

 

Musal-saladaa oo ka warama qisas nolosha qoysas bur-buray, kuwo dhaqaale, hunguri  iyo damac qoorta iskaga guraya, isla markaana ka sheekaynaya khiyaamooyin iyo dhaqamo xun xun oo la xidhiidha qoyska iyo nolosha bulshada ayaa si weyn looga daawadaa Somaliland tan iyo sagaashanaadkii, kuwaas oo waqtigan ku faafay bulshada dhexdeeda, isla markaana 70 % ay haweenku si toos ah ula socdaan.

si kasataba ha ahaatee musal-salada sida weyn ugu faafay bulshada, waxay sababeen in si dhab ah looga dabakho sheekooyinka ay xanbaarsan yihiin, kuwaas oo ay haween badan oo xiiseeyaa qabatimeen, waxayna sheekada shirqoolka fooshaxun ee ka dhacday Hargeysa todobadkii hore ka mid tahay sheekooyinka laga soo minguuriyay musal-saladaa oo la rumaysan yahay in haweenayda iyo qoyskeeda ku kacay falkaa araxandarada ah ee lagu  khaarajiyay haweenayda ugu danbaysay ay si toos ah ula socdaan musal-saladaa, isla markaana ay ku dabakheen shirqoolkaa sheekooyinka ay ka daawadeen musal-salada, kuwaas oo aan si dhab ah looga war qabin saamaynta dhabta ah ee ay ku yeesheen nolosha iyo dhaqanka bulshada.

 

 

Shirqoolladu Waa Sheekooyin Laga Soo Dheegtay Musal-salada , By, Arraale M. Jama

Layaab ayay ku noqotay shaciga Somaliland markii ay maqleen dhacdadii todobadkii hore warbaahinta lagu soo bandhigay ee lagu khaarajiyay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo ahayd gabadh ganacsato ah, taas oo markii muddo todobaad ku dhow ay raadinayeen qoyskoodu si lama filaan ah looga helay guri ku yaal bariga magaalada Hargeysa oo ahaa kii ay tagtay markii nolol ugu danbaysay.

Guriga laga soo saaray Maydka Marxuumada waxa deganaa qoyska Haweenay ay saaxiibo ahaayeen oo sida la sheegay ay ka doonatay lacag ay ku lahayd, balse shirqool loo diyaariyay ayaa lagu khaarajiyay Ruqiya, waxaana lagu aasay isla guriga dhexdiisa.

Intii ay ehelkeedu raadinayeen gabadhaa waxa jiray sheekooyin badan oo laysla dhexmarayay, kuwaas oo qaarkood ka dhigayeen gabdha la waayay in ay safar dhinaca Ethiopia ugu baxday oo loo malaynayo in ay tahriibtay, balse sheekooyinkaa iyo kuwo kale oo badan may ahayn kuwo qoyska gabdha marxuumadda ah ay rumaysteen.

waxay markiiba muujiyeen dareen shaki ah oo lala xidhiidhiyay waayintaabka gabadhaa in aanu raadkeedu ka bixin guriga ay tagtay ee Haweenaydaa, taas oo markii tuhunkii hore la xidhay ay sii daayeen Boolisku, balse baadhitanka oo sii socday iyo lacag laga shubtay Mobilka ay wadatay Marxuumaddu ayaa sheekadda wax badan ka iftiimiyay, waxaana ugu danbayntii la ogaaday t0dobaad ka dib in ay dileen qoyska ay u tagtay oo ay ku aaseen god ay ka qodeen gurigooda.

Ciidamada Booliska iyo Qoyska baadidoonka ku jiray ayaa maydka Marxuumadda kasoo saaray god ku yaal guriga dhexdiisa, waxayna sheekadaasi la yaab amankaag iyo naxdin ku noqotay dhamaan bulshada Somaliland, sababtoo ah ma ahayn dhacdada sidan ah mid hore uga dhacday geyiga Somaliland inta la ogyahay, waxayna sheekadaasi cabsi ku abuurtay inta badan bulshada Somaliland iyadoo sidoo kalena abuurtay doodo iyo su’aalo la xidhiidha jiritaabka dhacdooyin sidan oo kale ah oo aan waxba laga ogayn iyo ilaa ina ay soconayeen sheekooyin sidan oo kale ah oo lagu khaarajiyay dad badan oo la rumausan yahay in ay ku dhinyeen saxaraha Libiya oo lagu qoray Liiska Tahriibta.

waxa muuqata in dhacdooyinka dilalka noocan ah ee shirqoolada waxashnimada ah oo ku cusub geyiga Somaliland yihiin kuwo laga soo minguuriyay sheekooyinka iyo qisaska Musal-salada laga daawado shaahadaha ee qaarkood la turjumay oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Maxsico, kuwaas hada loo turjumay in ay yihiin Turki, isla markaana laga mamnuucay wadamada Islaamka intooda badan kadib markii la arakay in ay si weyn u dhaacayaan dhaqanka iyo caqiidada bulshada Islamka.

 

Musal-saladaa oo ka warama qisas nolosha qoysas bur-buray, kuwo dhaqaale, hunguri  iyo damac qoorta iskaga guraya, isla markaana ka sheekaynaya khiyaamooyin iyo dhaqamo xun xun oo la xidhiidha qoyska iyo nolosha bulshada ayaa si weyn looga daawadaa Somaliland tan iyo sagaashanaadkii, kuwaas oo waqtigan ku faafay bulshada dhexdeeda, isla markaana 70 % ay haweenku si toos ah ula socdaan.

si kasataba ha ahaatee musal-salada sida weyn ugu faafay bulshada, waxay sababeen in si dhab ah looga dabakho sheekooyinka ay xanbaarsan yihiin, kuwaas oo ay haween badan oo xiiseeyaa qabatimeen, waxayna sheekada shirqoolka fooshaxun ee ka dhacday Hargeysa todobadkii hore ka mid tahay sheekooyinka laga soo minguuriyay musal-saladaa oo la rumaysan yahay in haweenayda iyo qoyskeeda ku kacay falkaa araxandarada ah ee lagu  khaarajiyay haweenayda ugu danbaysay ay si toos ah ula socdaan musal-saladaa, isla markaana ay ku dabakheen shirqoolkaa sheekooyinka ay ka daawadeen musal-salada, kuwaas oo aan si dhab ah looga war qabin saamaynta dhabta ah ee ay ku yeesheen nolosha iyo dhaqanka bulshada.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *