Burco(ANN)Xubnaha Golaha deegaanka Burco ee kusoo baxay doorashadii golaha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 Nov, 2012, ayaa maanta yeeshay fadhigoodii u horeeyay, kaas oo lagu doortay Maayarka cusub ee magaalada Burco oo loo doortay

Maxamed Muraad oo noqday Ninka da’da weyn xubnaha golaha deegaanka Burco oo tiradoodu tahay 21 xubnood.

Sidoo kale waxay  Golaha deegaanka Burco u doorteen Guddoomiye Ku xigeen, isla markaana ah Maayar ku xigeenka Burco Muxumed Axmed Xasan (Xoday), iyadoo aan cidna kula tartamin labadaa xubnood ee Maayarka iyo Maayar xigeenka cusub eemagaalada Burco.

Fadhiga lagu doortay Maayarka iyo ku xigeenka Burco ee Golaha deegaanka, waxa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cadboo Axmed Aayar, wuxuuna hanbalyeeyay labada masuul ee la doortay, isagoo illaahay uga baryay inuu xilkaa ku asturo, isla markaana ay noqdaan kuwo ka shaqeeya horumarka magaalada Burco.

Golaha deegaanka Burco ayaa noqonaya  kii u horeeyay ee doortay Maayar iyo Maayar ku xigeen, sidoo kale xubnaha golaha deegaanka Burco ayaa noqonaya golihii ugu horeeyay ee kusoo baxay doorashada golaha deegaanka ee dalka ka dhacday dhowaan ee Maxkamaddu ugu hor dhaarisay, isla markaana noqday kuwii ugu horeeyay ee doortay hogaan cusub golayaasha deegaanka dalka ee ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday 28 Nov, 2012.Burco. kadib markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *