Hargeysa(ANN)Hawlgallo ay wadajir  isaga kaashadeen Sirdoonka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ingiriiska, ayaa lagu qabqabtay dad kala duwan oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxo argagixiso ah. ah caasimadda Hargeysa uga fuliyeen. sida lagu

 

 

daabacay Wargeyska maalinlaha ah ee Jamhuuriya oo kasoo baxa magaalada Hargeysa 1 July 2012.
Hawlagaladaa oo ka dhacay magaalada Hargeysa ma  jiro wax war ah oo ilaa hadda hay’addaha ammaanka Somaliland ka soo saareen dadka gacanta lagu dhigay oo la tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaas oo habeennimadii Jimcha ee toddobaadkan lagu qabqabtay guryo kala duwan oo ku yaal caasimadda Hargeysa.
Haseyeeshee, ilo-wareedyo xogogaal ah ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey shalay in hawlgalka ay fuliyeen sirdoonka Somaliland oo kaashanayey ciidammada nabadgelyada iyo khubaro ka tirsan sirdoonka dalka Britain  ay habeenimadii Jimcaha guriyo kala durugsan oo gudaha magaalada Hargeysa ku yaal ku qabqabteen ilaa 10 nin oo lala xidhiidhinayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab oo beryahan dambe lagaga awood roonaaday dagaallada ay kaga soo horjeedaan Ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa dawladda Sheekh Shariif ee ku sugan waddanka Soomaaliya.
Waxa kaloo ilahaasi caddeeyeen in baadhitaan kadib la sii daayey 5 qof oo ka mid ah 10ka ruux ee lagu qabqabtay hawlgalka ay wadajirka u fuliyeen sirdoonnada Somaliland iyo Ingiriiska, kadib markii sida la sheegay lagu waayey tuhunnada ku saabsan inay lug ku leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.
Haseyeeshee, waxa ilaa hadda xarunta hay’adda sirdoonka ee Gobolka Hargeysa lagu hayaa 5 nin, kuwaas oo sida ilo-wareedyadu tibaxeen lagu hayo baadhitaanno culus oo ku saabsan tuhunnada xadhiggooda keenay ee ku xidhiidhinaya inay ka mid yihiin firxadka dagaalyahannada Al-shabab ee lagaga itaal roonaaday dagaalladii ay kaga jireen Soomaaliya, isla markaana dhuumasho ku soo galay gudaha Somaliland.
Geesta kale, saraakiisha hay’addaha ammaanka Somaliland oo xidhiidho kala duwan Jamhuuriya la sameeyey shalay si wax looa weydiiyo faahfaahinta xadhigga dadka looga shakisan yahay Al-shabaab ee Hargeysa lagu qabqabtay, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday ka hadalka arrintaas, waxayse xaqiijiyeen in gacanta lagu hayo baadhitaanno ku socda dad loo xidhxidhay tuhunno ku saabsan inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab.
Xogaha dheeraadka ah ee Jamhuuriya ka helay hawlgalka lagu qabqabtay dadkaas waxa kaloo ay sheegeen shanta nin ee u xidhan tuhunnada ku saabsan inay ku lug leeyihiin kooxda Al-shabab waxay isugu jiraan muwaaddiniin reer Somaliland ah iyo qaar u dhashay dalka Soomaaliya

Xiggasho Jamhuuriya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *