Ceergaabo(ANN)Buurta Daallo ee Duleedka Magaalada Ceerigaabo, ayaa Jimcihii todobaadkan laga furay ay ka qaybgaleen Salaadiin, Madaxdhaqameed, Odayaal, Aqoonayahan iyo Siyaasiyiin deegaanka u dhashay iyo kuwo ka tegey magaalooyinka kale ee

 

Somaliland iyo meelo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo xubno kale oo ka tirsan Wasiiradda xukuumadda Somaliland, ayaa halkaa u tegey inay hakiyaan shirkaa ooh ore laysugu khilaafsanaa xiligga la qabanayo, balse waxay wasiirka Arrimaha gudaha iyo xubnaha uu hogaaminayay oo gaadhay Jimcihii halkaa ku hungoobeen inay hakiyaan shirkaa oo loogu magac daray (Tallo iyo Tawfiiq), kaas  oo maanta galay maalintiisii Afraad.
Shirka oo ay si gaara u wataan qaynbo ka tirsan bulshada gobolka Sanaag iyo deegaamo kale,  ayaa loo xulay ergooyinkii hagi lahaa iyo ajandihii lagaga hadli lahaa, waxaana sida ay sheegayaan wararka la xidhiidhaa wax iska bedeleen qorshe markii hore debeda loogaga saaray gebi ahaanba inay ka qaybgalaan shirkaa siyaasiyiinta deegaamada shirku khaaska u yahay sida Masuuliyiinta xukuumadda iyo kuwa Ururada siyaasada oo fursada shirkaa uga faa’idaysnaya arrimohooda iyo danohooda siyaasadeed. Iyadoo ay madasha shirkaa maanta  khudbado kala duwan ka jeediyeen Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee bulshada  deegaanka sida gaarka ah  shirku khuseeyo.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo hogaamiya Ururka Ummada, isla markaana ah siyaasiyiinta mucaaridka ee ka qaybgalay shirkaa, ayaa   ka mid ah xubnaha madasha shirkaa oo si gaara loogu tuhmayay  isaga inuu yahay maskaxda ka danbaysa shirkaa, wuxuuna Dr. Gaboose sheegay inuu rajaynayo inay shirkaa kasoo baxaan go’aamo taariikhi ah oo dadka iyo dalkaba anfaca. Sidoo kale xubno ka tirsan xisbiga mucaaridka ee UDUB, ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ka qaybaglay shirkaa.
Warar la xidhiidha shirka iyo ajandaha lagaga hadlayo, ayaa tibaaxay in aanay ka madhnayn arimo siyaasadeed iyo tabashooyin hoose oo la xidhiidha deegaamada sida gaarka ah ay uga soo jeedaan ergooyinka ka qaybgelayaa. 
Dhinaca kale shirkaa  oo kale, ayaa todobaadkan Jimcihii ka furamuy  Dararweyne oo ah duleedka Koofur bari ee Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kaas oo sida ay sheegayaan wararka la xidhiidhaa gogol xaadh u ah shir balaadhan oo ay ka qaybgelayaan qaybo baddan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag iyo deegaamo kale oo Somaliland ah, balse ay hada bilawga gogolxaadha shirkaa wadaan dadka Deegaanka Ceel-afweyn, iyadoo ergooyinka ka tegeya deegaamada kale la filayo todobaadyada soo socda inay halkaa gaadhaan.
Shirarka noocan ah, ayaa si weyn ugu soo batay dalka mudadii ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxayna shirarkani meesha ka saareen nidaamka dumuqraadiyada, maadaama ay saamayn ku yeesheen arrimaha siyaasada. Sida  Ururada dhowaan dalka lagaga dhawaaqay iyo diyaargarawga loohu jiro diyaarinta musharixiinta golayaasha deegaanka.
Marka laga yimaado go’aamada hoose ee la saadaalinayo inay kasoo baxaan shirarkaa oo maalin ka wada furmay gobolka Sanaag, waxa arrimaha la ishaarayo in la shaaciyo ee go’aamada kasoo baxa qaarkood lagu sheegay inay yihiin xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur Madw) oo kasoo jeeda deegaanka, isla markaana mudo ka baddan Afar bilood ku xidhan Magaalada Hargeysa, iyadoo canbaarayn baddan oo xadhigiisa loogu jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhegha ka furaysatay. Sidoo kale waxa qodobada labada shir ay iskaga mid yihiin ee la hadalhayo ka mid ah waxqabad la’aanta xukuumadda ee adeegyada aasaasiga ah iyo godoonka uu gobolka Sanaag kaga jiro dalka intiisa kale, taas oo tabashada ugu weyn ee ay qabaan bulshada Sanaag.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *