Naribi(ANN)Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay, in kabadan 40 qofna waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan kadib markii maanta qaraxyo kala duwan lagu weeraray kaniisado

 

ku yaal Magaalada Gaarisa ee bariga dalka kenya.
Weerarka qaraxyada ah waxa ka horeeyay laba nin oo tacshiirado rasaas ah la beegsaday booliska ilaalinayay Kaniisadahaa, iyadoo weerarka qaraxyada ahi markaa ka dib dhacay sida ay sheegeen dad goob joog ahi.
Ismaaciil Garaad oo ah Maaryarka magaalada Gaarisa oo ku taal duleedka xadka Kenya iyo Somalia, ayaa weerarkaa  oo dhacay maanta oo ah Axad ah ku tilmaamay mid bahalnimo ah, wuxuuna  isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Markhaati ka noqonmayno in weeraro noocan oo kale ahi ay dalkayaga ka dhacaan, iyadoo si badheedh ah dadka loo tooganayo, waana ogaan doona dadka aan damiirka lahayn ee dadkayaga laynaya.
ma jirto cid ilaa hada sheegatay qaraxyadaa iyo weerarka ka dhacay Gaarisa oo ka mid ah Labada magaalo ee waaweyn magaalooyinka ku yaala xadka ay wadaagaan Kenya iyo Somalia, waxa  u dhow xerada ugu weyn ee ugu dada weyn xeryaha qoxootiga aduunka, waxaana ku nool dad lagu qiyaaso 500, 000 (shan boqol oo kun) oo qoxooti Soomaali ah, waxaana todobaadkii lasoo dhaafay laga afduubay shaqaalle u shaqaynayay hay’addaha gargaarka ee ka hawlagala halkaa.
Sidoo kale weerar koox dablay ahi ka fuliyeen  kaniisad ku taal Gaarisa  December ina dhaaftay waxa ku dhintay laba qof.
Ciidamada Kenya ayaa galay  Oct, 2011,  gudaha Dalka Somalia ee dhinaca gobolada u dhow xadkeeda, waxaayn weeraro  aan wax guulo ahi kasoo  hoyn  ku qaadeen deegaamada fadhiisimada u ahaa kooxda Al-shabaab, taas oo balanqaaday  inay ka aargudanayaan Kenya oo ay qaraxyo ka samaynayaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *