Hargeysa (ANN)Xildhibnaanada Golaha Wakiilada, ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey koox ka mid ah guddoomiyayaasha hay’adaha madaxbannaan ee ugu mihiimsan xukuumada uu  dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay.

 

Fadhigii maanta ee golaha oo uu gudodominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa afar ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha ugu mihiimsan ee  madaxa bannaan lagu horkeenay, si cod loogu waydiiyo golaha, iyadoo  ay  dhammaantood ku meemariyeen codad aqlabiyad ah.

Ka hor intii aan codka golaha loo qaadin, waxa mudanayaasha loo akhriyey taariikhda waayo-aragnimo, waxbarasho iyo xirfadeed ee masuuliyiintaasi oo kala ahaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Ducaale iyo Hantidhawraha guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim, isla markaana waxa iyaga mid walba la siiyey waqti kooban oo uu ummadda ugu sheego waxa uu u qabanayo.

Haddaba, codadkii loo qaaday masuul iyo tirooyinkii ay kala heleen waxay ahayd sidan;

* Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir, waxa ogolaaday 57 mudane, hal mudane ayaa diiday, cid ka aamustay may jirin.

* Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, waxa codka oggolaanshaha siiyey 57 Mudane, hal mudane ayaa diiday, cid ka aamustay may jirin.

* Xeer-Ilaaliyaha Guud ee qaranka Xasan Axmed Ducaale, waxa oggolaaday 56 mudane, hal Xildhibaan ayaa diiday, hal mudane ayaa ka aamusay.

* Hanti dhawraha guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim, waxa ogolaaday 58 Mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna ma jirin.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *