Ceergaabo (ANN) Xaalada Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa Degan ilaa habeenimadii xalay Ka dib markii lasoo Afjaray xiisad colaadeed iyo isku dhac dhexmaray qaar ka mid ah bulshada gobolka oo keenay khasaare dhimasho, dhaawac iyo Afduub.

Sidaana waxa khadka telefoonka  ugu xaqiijiyay Shebekada wararka ee Araweelo News network qaar ka mid bulshada gobolka oo ka qayb qaatay xalinta mushkiladaa, “arintaa waa la xaliyay Nimankii Afduubka loo haystayna waanu kasoo kaxaynay kooxdii haysatay, waana lasoo afjarayaa mushkiladaa” sidaa waxa yidhi xildhibaan Cabdi C/llaahi (Dalab).
Dhacdada Afduubka ayaa ka danbaysay. Ka dib markii ay dablay hubaysani rasaas ku fureen xilli ay ku sugnaayeen badhtamaha suuqa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Falkaas oo ay duhurnimadii Khamiistii doraad geysteen laba nin oo dablay ahi, waxa ku dhintay marxuum Cabdi Cabdilaahi Jibriil, iyo Marxuum Shiine Yaasiin Axmed, wuxuuna dhaawac culusi ka soo gaadhay Taliyaha Booliska ee degmada Fiqifuliye ee gobolkaas oo Koonfur kaga beegan magaalada Ceergaabo, iyadoo dhaawaca sarkaalka Bilayska loola cararay dhinaca Garoowe.
Dhacdadaa oo sida wararku sheegayaan xidhiidh la lahayd aano hore u dhextaalay labadaa Ardaa,  waxa ka dhashay xiisad colaadeed, iyadoo dhinaca beesha qofkaa dhintay iyo sarkaalka dhaawacmay ka dhasheen ay afduubeen afar nin oo dhinaca kale ah, kuwaas oo ay geeyeen Tuulada DamalaXagare oo Koonfur Bari kaga beegeen xarunta Gobolka Sanaag, balse lagu guulaystay in laga soo  daayo. Ka dib markii dadka deegaanku ka hawl galeen xalinta mushkiladaa.

Araweelonews/Office Hargeysa .                                

By,  Carraale M. Jama

E-mail; Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *