Hargeysa (ANN) Shixnadii u horaysay ee qalabka loo isticmaalayo doorashada Madaxtooyada Somaliland oo todobaadkii hore Komishanka qaranku ku dhawaaqeen inay dalka ka dhacayso Juun 2010, ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.
C/raxmaan Dixiid oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka ayaa u sheegay weriyayaal ka socday Universal TV oo waqtigaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International in qalabka soo gaadhay uu yahay sanaaduuqda codbixinta oo diyaaradu kasoo qaaday dhinaca dalka Nayrobi. Qalabkaa oo noqonaya shixnadii u horaysay ee agabka doorashooyinka waxa maanta laga soo dejiyay Diyaarad xamuulka oo ay leedahay shirkada African airways, iyadoo C/raxmaan Dixiid oo ka socday komishanka qaranka iyo saraakiil ka socotay Ha’yada Enter Peace oo ay soo wakiisheen deeqbixiyayaasha maalgelinaya doorashada Somaliland ee la filayo inay dhowaan Dalka ka dhacdo.
Araweelonews/Office Hargeysa .
By, Carraale M. Jama
E-mail; Info@araweelonews.com