Muqdisho(ANN)Suuqa ugu weyn ganacsiga ee Bakaaraha oo ku yaala magaalada muqdisho ayaa dab qabsaday galabta. Dabkaa oo ka bilaabmay qaybta Bacadlayaasha ee gudaha suuqa ayaan ilaa hada war laga hayan sababta dhalisay, balse

waxa jira warar sheegaya inuu ka dhashay madfac ku habsaday  halkaa, iyadoo dagaalo maalintii sadexaad galay ka socdeen magaalada muqdishi, isla markaana madaafiicda iyo duqaynta labada dhinac madaafiic inta badan dhibaato naf iyo maalba u geystaan suuwaa iyo goobaha kale ee shacbiga ku dhaqan halkaa.
Dabka ayaa waxa uu suuqaa ka kacay galabnimadii, isla markaana waxa markiiba hawada isku shareeray qiiq iyo Olol,  iyadoo gaadiidka dab damiska ee ay leedahay Shirkadda Igaarsiinta Hormuud ay mar danbe gaadheen halkaa,  kuwaas  oo ku guuleystay inay baqtiiyaan  dabka ka kacay Suuqa bacaadlaha ee dhinaca Cabdalla Shideeye, balse lama oga khasaaraha uu guystay.
Dhinaca kale Wafti balaadhan uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Safar aan hore Loo Shaacin ku tagay maanta  Magaladda Nairobi ee Xaruunta Wadanka Kenya, Safarka Madaxweynaha ayaa Waxaa u Xaqiijiyay Warbaahinta Saraakiil katirsan Madaxtooyada Somalia.
Waftiga Madaxweyne Sheekh Shariif ee Safarka ugu baxay  Magaaladda Nairobi,  Waxaa Ka mid ah Wasiirka Arimaha Debeda Yuusuf Ibraahim Dheeg, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xildhibaan  Daahir Geele,  Xildhibaan Faadumo Insaan iyo Xildhibaano kale oo katirsan Baarlamaanka.
Socdaalka Madaxweyne Sheekh Shariif  ee Nairobi oo aan laga warqabin ujeedadiisa ayaa  lagu tilmaamay  mid salka ku haya sidii uu Latashiyo ku saabsan Magacaabista Raysal Wasaaraha Cusub ugala sameyn lahaa Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Magaaladda Nairobi ee Caasimada Wadanka Kenya. Iyadoo la filayo kulan balaadhan la qaato Madaxweynaha Jamuuriyada Kenya oo ay labada Madaxweyne kulankooda  kaga wada hadli doonaan Arimaha Gobolka iyo Xidhiidhka u dhaxeeya Labada dalka.
Sidoo kale Mudane Sheekh Shariif ayaa Waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda kMG ee ku sugan Magaaladda Nairobi, kuwaas oo sida xogo laga helay tibaaxayaan inuu  kala tashan doono qofka uu u Magacaabayo Jagada Raysal Wasaaraha.

Madaxweyne Shariif intii aanu ka bixin Muqdsiho wuxuu kulamo la yeeshay Xildhibaano katirsan mudanayaasha Baarlamaanka Dawladda KMG ah ee Soomaaliya, kuwaas oo  ay kulankii dhexmaray kaga wada  hadleen sidii uu Raysal Wasaaraha cusub ugu magcaabi lahaa Maxamed C/laahi Oomaar oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladda KMG ah ee Soomaaliya hadana ku sugan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/naasir Gaarane Maxamed ayaa ka mid ahaa mudanayaasha Madaxweyne  Shariif kala hadlay buuxinta jagadaa oo ay ka dalbadeen inuu u magcaabo  Maxamed C/laahi Oomaar oo ah masuul muddo kusoo dhex jiray Dawladahii KMG, isla markaana dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, taas oo sida xogo ay shebekada araweelonews heshay sheegayaan inuu soo jeedintaa u guuxay madaxweyne Shariif.
C/naasir Gaarane Maxamed ayaa waxa in uu Madaxweynahu aqbalay talo soo jeedinta ay sameeyeen isla markaana ay xilligan rajo wanaagsan ka qabaan in Maxamed C/laahi Oomaar loo magcaabo Raysal Wasaaraha cusub ee Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Maxamed C/aahi Oomaar oo markii  ahaa wasiirka arrimaha debeda ee dawlada taagta daran  ayaa xiligan ka mid ah musharraxiinta u sharraxan xilka Raysal Wasaarenimada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Dagaallo ayaa maalintii saddexaad  galay ayaa ka socda qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan, iyadoo dagaalka xoogiisu maanta ka dhacay xaafaddo ay ka mid yihiin African Village, Xero Ruush iyo Kaaso-Bal-balaaro.
Ilaa inta la ogyahay   20  qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaallada maanta, kuwaas oo sida ay wararku  sheegayaan  ay  ku habsadeen madaafiicda labada dhinac is-weydaarsanayaan, iyadoo  ilaa inta laga warqabo 30 qof oo rayid ahi  ku dhaawacmeen  dagaallada,  kuwaas oo loola cararay  cusbitaallada Muqdisho.
Ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha labada dhinac, iyadoo ay inta badan mid waliba dhiniciisa sheegto inuu dagaalka ka gaadhay guul,  balse warar  ku dhow dhinacyada dagaallamaya ayaa sheegay inuu  jiro  khasaare  dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay labada dhinac dagaalka maanta.
Dagaalladan maalintii saddexaad ka socda Degmada Hodan ayaa waxay hakad-galiyeen dhaq-dhaqaaqa suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaasoo ay dagaalladu ku sii siqayaan. Dhinaca kalena dad shicib ah oo teel teel kusii ahaa  xaafadda Kaaso-Bal-Balaaro ayaa bilaabay inay  iyaguna maanta ka barakacaan halkaa si ay lafohooda ula caraan.
Ciidamada AMISOM oo ay weheliyaan kuwa dawlada taagta daran  ayaa shalay laga qabsaday goobo ay ka mid yihiin Wersheddii  Caanaha iyo Cusbitaalka Xoogga, halka ay warar kalena sheegayeen inay ciidamadda AMISOM goobahaa qabsadeen.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *