Ceergaabo(ANN)Gudida dhex dhexaadinta labadii dhinac  ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay gudaha Magaalada Ceerigaabo ayaa maanta soo saaray go’aan ka koobnaa sideed qodob oo xal u noqonaya shaqaaqooyin ay dad ku dhinteen oo wakhtiyo kala duwan ka dhacay

 

gobolka Sanaag.
Xaflad loo sameeyay shaacinta go’aamada guddidaasu soo saareen  oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawlada Hoose ee Magaalada Ceerigaabo waxaa  ka soo qeyb galay weftigii Xukuumadda ka socday  oo xalinta mushkiladaa u joogay halkaa ,  Ergooyinkii nabadaynta ee gobolada kale ka gurmaday, Isimada iyo Cuqaashii Gobolkaa  iyo dadweyne fara badan.
Gudoomiye ku xigeenka gudida dhexdhexaadinta Chief Caaqil Maxamed Cawed (Ina cawad gacanlaw) ayaa halkaas  kaga dhawaaqay go’aamada ay soo saareen oo u dhignaa sidan:-
1. Marxuum Aadan Ismaaciil Xasan oo hore loogu dilay tuulada Ceel Qoxle waxaa laga xukumay 100 halaad iyo gabadh.
2. Marxuum Cabdi Cabdillaahi Jibriil oo lagu dilay badhtamaha magaalada Ceerigaabo waxa isna laga xukumay 100 halaad oo dhogor ah iyo 60 halaad oo lacag ah oo hashiiba tahay 200 Doollar, isu gayna noqonaysa 12 kun oo Doollar.
3. Marxuum Jaamac Ismaaciil Jibriil oo ahaan jiray taliyihii Saldhiga Daallo waxa laga xukumay 100 halaad oo Magtiisii ah iyo 30 halaad oo lacag ah oo laga soo qaaday taliye lagu dilay saldhigiisii hashiibana ay qiimaheedu tahay 200 Dollar, isu gayna noqonaysa 6 kun oo Dollar.
4. Marxuum Shiine Yaasiin Xiin-Finiin oo ahaa taliyihii Saldhiga Booliska ee degmada Fiqi-Fuliyo waxa laga xukumay 100 halaad oo magtiisii ah iyo 50 halaad oo lacag ah oo aanu ka soo qaadnay maadaama dhowr nin wada dishay marxuumka, hashiina uu qiimaheedu yahay 200 doollar, isugaynteeduna tahay 10 kun oo Dollar.
5. Marxuum Faarax Axmed Jaamac oo lagu dilay badhtamaha Ceerigaabo gaar ahaan beerta Xorriyadda waxaa laga xukumay 100 halaad oo dhogor ah oo magtiisii ah iyo 50 halaad oo aanu ka soo qaadnay maadaama rag hubaysan oo gaadhi SURF ah wataa soo weerareen marxuumka ka dibna dilkaas gaysteen, hashii walbana qiimaheedu waa 200 Dollar, isu gayntuna tahay 10 kun Dollar.
6. Dhammaan Jiffiyaha iyo ganaaxa waxa lagu bixinayaa muddo bil gudaheed ah oo ka bilaabata 03.Dec.2011 kuna Eg 03.Jan.2012.
7. Baaqiga mag-weynta waxa lagu bixinayaa muddo 6 bilood ah oo ka bilaabanta 03.Dec.2011 kuna dhamaata 03.June.2012.
8. Mar kasta iyo meel kasta oo lagu kala qaadanayo xukumadaasi dhacay waa inay goobjoog ka yihiin gudida dhexdhexaadinta iyo maamulka Gobolka, waxaana tallaabo sharci ah laga qaadi doonaa cid kasta oo hakad gelisa fulinta go’aamadaasi.”
Dhinaca kale, Gudoomiyaha gudida dhexdhexaadinta Siciid Maxamuud Ismaaciil (Siciid  Bidaar) ayaa u mahad celiyey labadii dhinac ee xurguftu dhex martay, isagoo ku amaanay  sida ay u dhagaysteen una ixtiraameen gudidooda,  isla markaana u aqbaleen go’aamadii gudida dhexdhexaadinta ee uu gudoominayay soo saareen.
Dhinaca kalena markii go’aanadaasi lagu dhawaaqay ka dib waxa halkaa  ka hadlay wakiiladii labada dhinac ee la dhexdhexaadinayey,  kuwaas oo ku dhawaaqay inay si duuduub ah u aqbaleen go’aamadaasi diyaarna u yihiin fulintooda.
Isimada labada dhinac oo ay metelayeen Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali oo Deegaanka Waqooyiga Ceerigaabo u hadlayay iyo Garaad Cabdillaahi Cali Guuleed oo Deegaanka  Koonfurta Ceerigaabo u hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aamadaa,  waxayna ballan qaadeen inay labada dhinacba ku kaantarooli doonaan fulinta go’aamadaa.
Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Gudoomiyaha Gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre iyo Maayarka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo iyaguna ka hadlay xafladaasi ayaa ku dheeraaday sida ay lama huraanka tahay in reer Ceerigaabo u ilaashadaan nabadgelyadoodii , wada jirkoodii iyo sharaftoodii .
Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isaga iyo weftigiisuba goob joog ka ahaayeen kulankaasi ayaa farriin u diray ciidamada ammaanka oo uu ku adkeeyey inay ilaaliyaan amniga loo xilsaaray,  isla markaana aanay xukuumad ahaan aqbali doonin in iyadoo ciidamadii qaranku ku sugan yihiin gobolka ay had iyo jeer gobolka ka dhacaan falal amni-darro oo iska soo daba noqday kuwaas oo khalkhal gelin kara amniga gobolka.
Wasiirku waxa uu tilmaamay inay maanta guul u tahay guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan reer Ceerigaabo, ergedii dhexdhexaadinta iyo intoodii nabadda u soo gurmatayba, wuxuuna intaa ku daray In xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka go’antahay  nabadaynta bulshada Somaliland. sidoo kalena waxa uu xusay inay xukuumad   ahaan diyaar u yihiin inay la kulmaan beelaha wax ka tabanaya saamiqeybsiga xukuumadda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *