Hargeysa(ANN)Shir Caalami ah oo lagu lafa Gurayo sidii Beesha Caalamku Somaliland Gacan uga Siin lahayd dhisidda Hay’addo Amni oo Xooggan ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeisa, waxana ka qayb galay
, masuuliyiin kale oo ka kala socda Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Ingiriiska, Urur Goboleedka IGAD iyo Masuuliyiin kala duwan oo ka socotay Hay’addaha Somaliland.
Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo furitaankii shirkaa sharaxaad kooba ka bixiyay ujeedada shirka ayaa sheegay in shirka oo soconaya mudo laba maalmood ah, lagu falanqayn doono arrimaha dhinaca amaanka iyo nabadgelyada Somaliland ee la dagaalanka Argagixisada iyo budhacad –badeeda iyo mushkiladaha hor taagan Hay’addaha amaanka Somaliland, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrimahaa yidhi, “Waxyaabaha hor taagan arrimaha kor loogu qaadayo dhinaca amaanka Somaliland, waxa ka mid ah cunaqabataynta dhinaca hubka iyo difaaca Milateriga ee mandaqada saaran, waana caqabado hortaagan in la balaadhiyo, waana waxyaabaha lagu soo qaadayo shirkan ee doonayno in aanu dunida usoo bandhigno ee laga wadahadlo. “ ayuu yidhi Dr. Maxamed C/llaahi Cumar.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay Somaliland u baahantahay taakulayn iyo xoojin dhinaca Hay’addaha amniga, isagoo yidhi, “ Waxa kaloo aanu u baahanahay inaanu taakulayn xaggaa awooda Hay’addaha nabadgelyada qaranka Si Somaliland ula jaanqaado arrimahaa baddan ee mandaqada ka jira is difaaceeda iyo ilaalinteeda iyo waxtarka Somaliland u leedahay nabadgelyada mandaqada geeska afrika.”
Sidoo kale Sarkaal Col, Gabre oo ku hadlayay magaca Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay inay Somaliland door mihiim ah ka qaadatay nabadgelyada mandaqada, isagoo dhinaca kalena amaanay doorashadii madaxtooyada Somaliland ee kal hore.
Sidoo kale waxa shirkaa ka hadlay masuuliyiin ka socday Ururo iyo Hay’addo caalamiya iyo weliba Dublamaasiyiin ka socday dawladaha daneeya nabadgelyada iyo amaanka mandaqada, kuwaas oo dhamaantood xusay doorka lagama maarmaanka ah ee Somaliland kaga jirto amaanka gobolka iyo baahida loo qabo in la horumariyo Hay’addaha amaanka ee Somaliland, taas oo wax weyn ka taraysa nabadgelyada iyo xasiloonoda gobolka iyo guud ahaanba dunida. Waxaana la filayaa inay shirkan maalinta beri kasoo baxaan go’aamo waxtar weyn u leh Somaliland iyo Mandaqadaba.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com