Hargeysa(ANN)Shirweynaha Urur-siyaasadeedka WADANI  oo ka mid ah 15 Urur siyaasadeed oo doonaya inay ka qaybgalaan tartanka doorashooyinka Golayaasha deegaanka ayaa ka  qasoomay  Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, kaas oo

 

u muuqday indha-sarcaad, iyadoo ay kasoo qeyb galeen ku dhowaad 450  ergay oo ka kala yimi goboladda dalka iyo dibaddaba,  isla markaana ay ka soo xaadireen boqolaal kun oo qof oo ka mid ah taageereyaasha ururkaa iyo marti sharaf kale.
Sidoo kale waxa  goob joog ka ahaa Furintaanka shirweynaha Wadani xubno ka mid ah Gudidda diiwaan-gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka, Shirgudoonka labada Golle ee Guurtida iyo Wakiiladda, xubno ka socday xisbiyadda UDUB iyo KULMIYE iyo madaxdhaqameed.

Shirweynahaa  oo socon doona muddo laba maalmood ah, isla markaana  lagu  dooran doono Hoggaanka cusub ee Urur-siyaasadeedka, warar xog ogaal ah,ayaa sheegay in shirweynaha Ururkaa ay ku baxayso lacag lagu qiyaasay $ 90, 000 (sagaashan kun ) oo dollar, taas oo u suurtagelisay in furitaankii shirweynaha  toos looga daawado  daafaha dunidda, iyadoo uu  tabinayay Telefishanka madaxa bananaan ee Horn Cable TV.
Guddoomiyaha kumeel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa khudbad dheer oo uu kaga hadlayay marxaladihii uu soo maray ururkaasi, doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto iyo arrimaha siyaasadda ee dalka ka jeediyay furitaankii shirweynaha.
C/raxmaan Cirro wuxuu  ku bilaabay khudbadiisa sidan:- “Anigoo ah Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI,  waxaan idinku soo dhawaynayaa shirweynaha ururka WADANI. Waxaan idiinka mahad celinayaa sida milgaha iyo karaamadda leh ee aad u soo ajiibteen casuumadihii aanu idiin fidinay waanad ku mahadsan tihiin.

Aasaaseyaasha, xubnaha iyo Taageereyaasha ururka WADANI iyo dhammaan ergooyinka goboladda iyo laamaha dibadda oo dhan 500 oo qof iyo taageereyaasha ururka WADANI,  inta halkan joogta iyo inta inaga daawanaysa shaashadaha caalamiga ah iyo meel kasta oo aad joogtaan reer WADANI,  waxaan idin leeyahay salaam diiran. Waxa kale oo aan mahad balaadhan u soo jeedinayaa hawl-wadeenadda reer WADANI ee madashan quruxda weyn inoo soo diyaariyay. Waxaan leeyahay waxaad dhinaciina ka muujiseen hormuudnimadii WADANI ka muujiyay fagaareyaasha kale ee ay saaxadda siyaasadda ku wada jireen walaalaha kale.

Ururka WADANI waa urur ay ku bahoobeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadda reer Somaliland, waa urur ka dhashay una dhashay reer Somaliland, una taagan inuu nolasha muwaadinka kor u qaado iyo horumar taam ah gaadh siiyo dalka intii ILAAHAY la qabto. WADANI intii yarayd ee uu jiray waa urur firfircoon oo dardar badani ka muuqato hormuudna u noqday intii garoonka siyaasadda kula tartamaysay. Waa urur sidaad aragteen waa urur isaga iyo quluubta dadka reer Somaliland ILAAHAY istusay.

Waa Urur hiigsigiisu fog yahay oo u xaytay inuu nolasha muwaadinka wax ku soo kordhiyo intii ILAAHAY la qabto. Waa urur ay ka muuqdaan dhammaan deegaamadda iyo qeybaha kala duwan ee reer Somaliland.
Ururka WADANI waxa lagu dhawaaqay 6/10/2011-kii isla huteelkan maalintii wanqasha waxa reer Somaliland daawadeen hordhicii WADANI. Maanta waxaynu daawan doonaa filim taariikhi. Ururka wadani wuxuu ahaa ururkii ugu horeeyay ee lagu dhawaaqo ee xafladii wanqashiisa ugu hor sameeyay. Waa ururkii iskugu hor diiwaan geliyay ururadda cusub ee siyaasadda. Waa ururkii lacagta diiwaan gelinta ugu hor bixiyay. Waa ururkii goboladda ugu hor baxay ee soo furtay xafiisyadda goboladda. Waa ururka ugu xafiisyo badan.” Ayuu yidhi C/raxmaan Ciro.
Dhinaca kale madasha Shirweynaha waxa kaga dhawaaqay inay ku biireen Urur-siyaasadeedka WADANI,  ku dhawaad sodomeeyo Xildhibaan oo ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiiladda, kuwaas oo magacyadooda laga xaadiriyay madasha, isla markaana kala ahaa sidan:  “Maxamed Maxamuud Diiriye , Maxamuud Xareed Rooble, Xuseen Madar Xoosh, Daahir Cali Jaamac , Sh.Maxamed Xirsi , Jirde Siciid, Jamaac Faarax , Maxamuud quule Qaasaali , Cumar Nuur Xasan (Waaye), Axmed Muuse Obsiiye, Axmed Maxamed Cabdi , Axmed Daahir jirde, C/raashiid Sh.C/llaahi Sheekh Xasan, C/Xakiim Cumar ,  Siciid C/llaahi Yasir, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan aqalka odayaasha Somaliland.
Sidoo kale  Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee maanta  laga shaaciyay inay ku biireen  ururka WADANI ayaa kala ahaa,  Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaa-dheere), Axmed Maxamed Nuur, C/raxmaan Muuse Jaamac iyo Cali Sh.Ibraahim Aareeye.  Sidoo kale waxa madasha shrikaa kaga dhawaaqay inuu ku  biiray Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland Gen. Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif).

Madasha Shirweynaha waxa kale oo ka hadlay Wakiilo ka socday  Lixda Gobol  ee dalka, kuwaas oo ka waramay taageeradda Goboladoodu u hayaan ururka WADANI,  isla markaana sheegay inay u diyaar-garoobeen doorashadda Goleyaasha deegaanka ee lagu waddo inay dalka ka qabsoonto daba-yaaqada sanadkan.

Iyadoo dhinaca kalena Furitaankii shirweynaha  lagu doortay Gudida shirgudoonka shirweynaha koowaad ee Urur-siyaasadeedka WADANI,  oo ka kooban shan xubnood. Shirweynahaa oo loo kireeyay hoolka ugu weyn Huteelka Maansoor, isla markaana si weyn loo agaasimay ayaa madasha u muujiyay mid aindha-sarcaad ah, iyadoo xubnaha hore ugu biiray iyo kuwa hada ku biiray ee golayaasha sharcidejintu isugu biyo shubteen intooda badani Ururkaa oo hada u muuqda mid ay inta baddan Mudanayaasha Baarlamaanka ee labada gole oo shirgudoonku hogoominayaa mayalka u hayaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *