Hargeysa(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), ayaa saaka markii u horaysay la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Kadib markii uu ku xidhnaa xabsiga Dhexe in ka baddan  48 caanamaal, iyadoo aanay jirin wax denbi ah oo lagu horgeeyay maxakamad

tan iyo mudadaa.
Hase yeeshee waxa markiiba dib loogu celiyay xabsiga dhexe, kadib markii ay xeer ilaalintu uu weydiiyay garsooraha Maxkamaddu inay soo oogaan waxa ay ku eeddaynayaan, balse xeer Ilaalinta ayaa ku dooday inaan wax eeddo ah oo ku saabsan Boqor Buur-madaw aanay ahayn waqtigan ee ay ka sugayaan laanta baadhsita denbiyada ee CID, taas oo ay sheegeen inaany waxba usoo gudbin xeer Ilaalinta.
Kiixka Boqor Buur-madaw oo ay hore maxkamaddu uga dalbatay hay’addaha baadhsita inay mudo todobaad ah ku soo gudbiyaan eeddaha loo haysto si loo dhegaysto dacwadaa oo ah mid xaasaasi ah, ayaan la socon eheladiisa, qareenadiisa iyo dadka danaynaya kiiskaa dacwada loo haysto Boqor Buurmadaw, waxaana Sida ay dad goob joog ahi u sheegeen shebekadda Araweelonews, la keenay xili hore saaka maxkamadda gobolka Boqor Cismaan Aw Maxamuud, iyadoo amaanka maxkamadda aad loo adkeeyay, balse waxa markiiba dib loogu celiyay xabsiga kadib markii sida ay wararkaasi sheegeen Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow, ay suurta gal noqonweyday inay Maxkamadda ka bilaabanto dawacadiisu. kadib markii ay Xeer Ilaalinat gobolku dalbatay in muddo sadex cisho ah dib loogu dhigo, iyadoo ku sababaysay inaanay wali Eediisii u soo dhamaystirmin oo anay jirin wax eed ah oo ay u haysaa.
Dhinaca kale Qareenka Boqorka Qareen Xildhibaan Maxamed Jaamac yidhi ‘ boqorku muddo bil ka badan buu xidhnaa ilaa hada wax la weydiiyay iyo wax laga qoray toona ma jirto. waxaanu ka dalbanay maxkamaddu bal inay mar uun weydiiso Xeer ilaalinta bal ninkan xidhani waxa ka uu yahay iyo danbiga loo haysto weydiiya ayuu guddoomiyaha maxkamaddu maanta u yeedhay Boqorkiina waa la keenay wax dacwad ah iyo wax Eeda oo xeer ilaalintu hayso waa la waayay. dabadeed xeer ilaalintii ay guddoomiyaha ka dalbatay in ay sadex cisho  siiso,  haddii ay keeni kari waayaana ay iyadu go’aan gaadho’ ayuu yidhi qareenka oo wargeyska Waaheen wax ka weydiiyay arrintaa.
Waxa maalmihii u danbeeyay si weyn isu soo taratayay canbaarayn dhinaca gudaha iyo debedaba kaga imanaysay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo la xidhiidhay xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo udo dheer sabab la’aan ugu xidhnaa xabsiga rumaan, iyadoo aanay jirin maxkamad ku riday xukun, isla markaana aanay jirin eeddo cad oo loo haysto, balse  keliya la rumaysan yahay inuu u xidhanyahay fekerkiisa iyo rayigiisa mudo ka baddan bil, taas oo meel ka dhac ku ah Dastuurka, qaranka, xeerarka dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *