Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa magcaaby gudi qaban-qaabo oo ka hawl-gelidoona wadahadalada Somaliland iyo Somalia, kuwaas oo ku kooban xukuumadda oo keliya, isla markaana aan miisaan weyn lahayn oo wiiqi kara

 

kalsoonida bulshada ee wadahadalada Somalia.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada caawa xili danbe ayaa lagu shaaciyay magacayada xubnaha gudidaa oo shan xubnood oo golaha wasiiradda ka tirsan. Qoraalkaa waxa kaloo lagu sheegay inay xubnahaasu yihiin kuwo farsamo oo ka qaybgelaya xili aan la shaacin kulan ka dhacaya dalka Britain.
Wuxuuna u qornaa isagoo dhamaystiran sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo ku qanacsan baahida loo qabo in ay Somaliland, dhineceeda fuliso, Go’aamadii Shirkii Caalamiga ahaa ee London 23 Feberoury 2012, inta ka khusaysa gaar ahaan Qodobka tilmaamaya wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxaa uu magacaabay Guddi Farsamo oo kooban 5 xubnood kana hawl-gelidoona qaban-qaabada iyo qaabka wada hadalka (Somaliland & Somaliya) kuwaas oo kala ah:-

1.     Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar
2.     Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Nuur Caraale (Duur)
3.     Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Axmed Cabdi Xaabsade
4.     Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Xuseen Axmed Caydiid iyo
5.     Wasiirka Beeraha, Prof. Faarax Cilmi Maxamuud

Gudigani waxay ka qayb-gelidoonaan kulan gogol-xaadha  oo ay labada dhinac dhawaan ku yeelan doonaan Magaalada London ee Cariga ingiriiska.”
Dhinaca kale gudida la doonayo inay gogol-xaadh u noqdaan wadahadalada Somaliland iyo Somalia ayaa u muuqda kuwo aan miisaan culus lahayn, isla markaana ku kooban xukuumadda talada haysa oo keliya, waxaana magacayada xubnaha gudida la shaaciyay xili la filayay inuu Madaxweyne Siilaanyo gudidada wadahalada Somalia la yeelanaya ka dhigo kuwo heer qaran ah oo ay ka muuqdaan golayaasha kale ee qaranka, madax-dhaqameedyada iyo axsaabta kale ee qaranka, maadaama waxa laga hadlayaa yahay masayrka ummada ee aanay ahayn arrin kooban oo xukuumadda talada haysaa gaar u leedahay. 
Si kasba ha ahaatee waxa la filayay inuu Madaxweyne Siilaanyo magcaabo gudi u cuntama bulshada oo xukuumaddu hogaamiso,  isla markaana  ay dhinaca xukuumadda kasoo galaan shaqsiyaad misaan leh oo fahmikara siyaasada xudunta u ah arrimaha  laga hadlayo  iyo ahmiyada ay leeyihiin arrimaha lagala hadlayo dawladda Somalia, kuwaas oo meteli kara qaranka  oo ka balaadhan shanta xubnood ee la shaaciyay magacyadooda oo aan waxbadan kala socon intooda badani  arrimahaa iyo qaabka loo waajahayo. sidaa awgeed magcayada xubnahani waa kuwo wiiqaya kalsoonidii dhinaca bulshada ee lagu aamini lahaa  xukuumadda Somaliland wadahadalada ay la yeelanay Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *