Taleex (ANN) Shirkii kooxda qurba-jooga Sool uga socday magaalada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool  ayaa gebi ahaanba fashilmay. Kadib markii ay soo waajaheen xaalado cabsiyeed iyo culays kaga yimi dhinaca Xukuumadda Somaliland, taas oo keentay inay kala cararaan kooxihii ka

 

qaybgalay markii ay saaka ku war heleen in Ciidanka Qaranka Somaliland galeen gudaha magaalada Buuhoodle oo xudun u ahayd malayshiyada nabad –diidka ah ee SSC.
Magaalada Taleex kooxdii  shirka halkaa uga  socday kaga dhawaaqday maamul goboleed  ayaa gebi ahaanba laga gooyay isgaadhsiinta, iyadoo ay adagtahay in si toos ah looga war helo xaalada magaalada iyo sida ay wax u socdaan. Hase yeeshee   Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijyeen dad   ku sugan magaalada Laascaanood  iyo deegaamada ku dhow Taleex  ayaa xaqiijiyay in lagu kala dareeray shirkaa. Kadib markii laga warhelay dagaalka ka qarxay Buuhoodle ee ay ku qabsadeen Ciidanka Somaliland.
Tibaaxaha iyo  wararka ka imanaya deegaankaa ayaa sheegaya in gelitaanka ciidmada Somaliland ee Buuhoodle sii murgiyay xaalada , taas oo saamixi weyday inay kooxdaasi sii wadaan shirkooda, isla markaana khilaafka kooxaha kala siyaasada ah ee marka horeba ka taagnaa ujeedada shirka  ayaa qaarkood ku tilmaameen inay kooxda qurba-jooga ee G6 (gudida lixda ah) ee hogaaminaysay shirka  wadeen shirqool oo ay Somaliland ugu shaqaynayaan. Kadib markii malayshiyadii xaruntoodu ahayd Buuhoodle shirkaa la geeyay, taas oo ay ku doodeen inay  marka horeba ahayd shirqool kooxda G6 wadatay oo fursad siiyay inay ciidamada somaliland galaan buuhoodle.
Waxayna  tibaaxaha iyo wararka deegaanka  Taleex laga helayaa sheegayaan Tiknikadii malayshiyada  Buuhoodle ee Taleex taalay maanta  u boqoolaan dhinaca Buuhoodle, iyadoo ay hogaaminayaan ergooyinkii  iyo garaadada deegaanka  Buuhoodle oo gebi ahanba ka baxay shirkaa, kuwaas oo dhinaca Puntland u baxay, iyagoo doonaya inay Buuhoodle kasoo galaan dhinaca Garoowe, balse sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha deegaanka waxa adag inay malayshiyadaasi galaan Buuhoodle, iyadoo ay ciidamada Somaliland ku sugan yihiin halkaa.
Sidoo kale wararka kale ee laga  helayo deegaanka Taleex  ayaa sheegaya inay kooxo kale oo ka mid ahaa kuwii ka qaybgalay shirkaa u carareen dhinaca Puntland, halka qaar kalena u bexeen dhinaca gobolka Sanaag.
Dhinaca kale qaar ka mid ah firxadka kooxda qurbajooga ee shirka Taleex ka qaybgalay ayaa qaarkood dhinaca magaalooyinka Burco, Berbera iyo Hargeysa  usoo baxeen, iyagoo doonaya inay ku laabtaan wadamadii ay ka yimaadeen. Waxayna ciidanka booliska ee magaalada Berbera maanta gacanta ku dhigeen  nin ka mid ah kooxdaa oo lagu magcaabo  Liibaan Xasan cabdi Axmed, kaas oo laga qabtay madaarka  caalamiga ah ee Berbera, isagoo doonayay inuu ku laabto wadankii uu ka yimi. Iyadoo tiro kooxdaa ka mid ahna ay ciidamada boolisku raadinayaan

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *