Garoowe(ANN) Laba xubnood oo ka mid  ahaa kooxda hogaaminaysay shirkii burburay ee Taleex ayaa qaab tahriib ah ku galay magaalada Garoowe ee xudunta maamul goboleedka Somalia ee Puntland.

Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews ka heshay dhinaca magaalada Garoowe ayaa sheegay in labadaa xubnood oo ka tirsanaa kooxda G6 (gudida lixda ah) oo gadhwadeenka ka ahaa shirkaa ay shalay ka baxeen magaalada Taleex. Kadib markii ciidamada Qaranka Somaliland ka caydhiyeen malayshiyada nabaddiidka  ee SSC, magaalada Buuhoodle oo xudun u ahayd, taas oo keentay in lagu kala yaaco shirkii ka socday halkaa iyadoo aan wax go’aan ah laysla meel dhigin.
Labadaa  xubnood oo  kala ahaa Jaamac Abshir  oo ku magacdheer (Juxa) iyo Cali Xaaji Cige, ayaa wararka qaar sheegayaan inay si dhuumasho ah kusoo galeen xalay caweyskii (habeen hore), Degmada Yagoori oo dhinaca waqooyi ka xigta Laascaanood, kuwaas  oo  doonayay inay si qarsoodi ah ugu gudbaan dhinaca magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa si ay ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, basle ciidanka Booliska Solamliland ayaa ka war helay labadaa xubnood, kuwaas oo doonayay inay gacanta ku dhigaan. Laakiin may suurta gelin inay gacanta ku dhigaan, iyadoo  markii ay ka warheleen ciidanka si qarsoodi ah looga saaray magaalada, isla markaana meel ka baxasan magaalada Yagoori la geeyay, halkaas oo gaadhi si qarsoodi ah loogu saaray dhinaca Garoowe oo ay xalay gaadheen.
Dhinaca  kale wararka laga helayo deegaanka Taleex ayaa sheegaya in Hogaamiyaha kooxda shirkaa Cali Khaliif Galaydh  oo aan si cad loo hayn halka uu ku suganyahay, basle jiraan tibaaxo sheegaya inuu qorshaynayo sidii uu uga bixi lahaa Deegaanka Taleex, isla markaana ugu gudbi lahaa dhinaca xadka Ethiopia ee uu soo maray safarkiisa hore, balse ay soo waajahday xaalad cabsiyeed, isagoo ka werwersan sida uu uga talaabi karo deegaankaa oo ay ciidamada Somaliland isku balaadhiyeen. Waxayna wararka la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan inuu Mr. Galaydh ugu digay kooxdii ay safarka kuwada tageen Taleex inay maraan deegaamada ay ka taliyaan maamulka Puntland, isla markaana ay ka digtoonaadaan madaarada Garoowe  iyo Boosaaso.  Digniinta uu Mr. Galaydh siiyay kooxda la socotay ee kala firxaday kadib markii uu burburay shalay shirkii ay ka wadeen degmada Taleex, iyadoo aan wax go’aan ahi kasoo bixin, marka laga reebo dhawaaqii maalmihii lasoo dhaafay ee ahaa inay isla qaateen inay maamul goboleed kaga dhawaaqayaan shirkaa, taas oo meesha ka baxday kadib markii burbur ku yimi. iyadoo ciidanka booliska Somaliland shalay madaarka magaalada Brbera ka qabteen mid ka mid kooxda ka qaybgashay shirkaa oo firxad ku yimi halkaa, isla markaana tirooyin kale oo ka mid ahaa qurbajooga ka qaybgalay shirkaa booliska Somaliland ku raad joogaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *