Hargeysa(ANN)Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa kulan la yeeshay ganacsatada shirkaddaha qaadka dalka soo geliya.
kulankaa oo ujeedadiisu ahayd sidii xal loogu heli lahaa mushkilad maalmihii u danbeeyay ka taagnayd qaadka

oo sababtay dhimasho iyo dhaawac. kadib markii ay shirkaddaha qaadku diideen inay bixiyaan lacag cashuur ah oo lagu kordhiyay, isla markaana bilaabeen inay qaadka la baalmaraan Kastamada Cashuuraha.

Hase yeeshee kulanka ku saabsan arrintaa oo  ay maanta si fool ka fool ah u yeesheen Wasiirka Maliyadda iyo Mulkiilayaasha Shirkadaha Jaadka ayaa laga gaadhay heshiis labada dhinac isla meel dhigeen oo meesha ka saaraya muranka iyo khilaafka ka dhashay laba cashuurood oo lagu kordhiyay  Miisaanka Jaadka oo 90% laga Cashuuro iyo Qiimaha Sarifka Dolarka oo ay xukuumaddu ku kordhisay inta loogu qiimeeyo qadar 500 S/l Sh.

Sida ay sheegayaan tibaaxo laga helay kulanka labada dhinac ee Wasaaradda Maaliyadda iyo shirkaddaha qaadku ayaa lagu gaadhay in ay shirkaddaha qaadku bixiyaan labada  Cashuurood ee ku waajibay, iyadoo dhinaca xukuumadda ee Wasaaradda Maaliyadduna oggolaatay inay bixiso khasaarihii ka dhashay Lix Baabuur oo mudadii ay mushkilada qaadku taagnayd khasaare dhaqaale ku keenay. kadib markii qaadkii saarnaa gaadiidka uu gubtay markii ay diideen cashuurta lagu kordhiyay inay bixiyaan, taas oo Wasiirka Maaliyaddu balanqaaday inuu fulinayo dhinacooda xukuumadda heshiiskaa.

Dhinaca kale heshiiska labada dhinac ayaa kusoo beegmay maalin ka dib markii uu khasaare dhaawaca Taliyihii Booliska ee Degmada Caynaba iyo sadex askari oo kale, kuwaas oo eryanayay gaadhi kuwa shirkaddaha qaadka ah oo la baxsaday cashuurta shixnada qaadka uu siday gobolada bariga Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *