Hargeysa(ANN)Koox isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland iyo ciidanka Qaranka oo ay ku jireen laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland iyo saddex askari oo kale oo mid ka mid ahaa ciidamada qaranka, halka labada

 

kalena ay ahaayeen  Booliska ayaa xalay dhaawac kasoo gaadhay. kadib markii uu qalibmay gaadhi ay bwateen, kaas oo ku dhacay  duleedka degmada Dacar-Budhuq oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera.

sida ay sheegayaan wararku Saraakiisha iyo cioidanka la socday oo kusoo jeeday dhinaca magaalada Hargeysa, iyagoo kasoo laabtay dhinaca gobolka Sool  oo ay hawlo shaqo u tageen, waxaana dhaawac askartaa oo qaarkood dhaawacoodu culusyahay la geeyay Cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Dhacdadan ayaa kusoo beegantay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay shil Gaadhi oo 1 Janeury ka dhacay duleedka Hargeysa ee Dacarbudhuq, kaas oo ay ku dhinteen Taliye xigeenkii Hogaanka Wacyigelinta ee Booliska Somaliland Marxuum Yaasiin Jaamac Ducaale iyo Afar askari oo kale, isla markaana ay ku dhaawacmeen 25 askari oo ka tirsan Booliska.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *