breaking News arraweelo,comBurco(Araweelo News Network) Shirkaddaha muranka soo jiitamayay ka taagnaa hawshooda sahaminta shidaalka ayaa hakiyay qorshohoodii ku

waajahnaa bilawga hawshaa ee ay doonayeen inay ka bilaabaan deegaamo ka mid ah Bariga Somaliland.

 

Sidaana waxa sheegay warar laga soo xigtay dad u dhuun daloola hawshaa, kuwaas oo sheegay in lagu war geliyay shirakadaha inay hakiyaan hawshaa, taas ay xukuumadda Somaliland ku wargelisay bilawga hasha sahaminta shidaalka ee ay doonayeen inay ka bilaaban deegaamada bariga Somaliland oo u qorshaysnaa.

In kasta oo aanay xukuumadda Somaliland iyo shirkaddaha hawsha ku mashquulsanaa wax war ah oo rasmi ah kasoo saarin arrintaa, balse ila wareedyo kale ayaa sheegaya in hakinta hasha ay shirkaddaha shidaalku qorshaynayeen inay ka bilaabaan halkaa ay soo baxday. kadib markii wefdi ka socda dawlada Britain soo gaadheen dalka shalay, kuwaas oo aan la ogayn ujeedada socdaalkooda rasmiga ah iyo waxa ay la xidhiidho booqashadoodu, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in wefdigu booqasho gaaban ku tageen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ah deegaamada ay shirkaddaha shidaalku doonayeen inay ka bilaabaan hawshooda.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in talaabada lagu hakiyay hawsha shirkaduhu ka danbaysay warbixin qaramada midoobay dhowaan kasoo saartay xaalada Somalia, taas oo ay qayb ka mid ah kusoo qaaday arrimaha shirkaddha shidaalka iyo macdanta oo ay sheegeen in ay heshiisyo la hagaleen dawlada Somaliland iyo Somalia iyo sidoo kale maamulka Puntland, waxayna digniin walaac ah ka muujiyeen heshiishyada lala galay shirkaddahaa oo ay sheegen inay horseed u noqon karaan khilaaf iyo muran saamayn ku yeesha nabada iyo xasiloonida meelaha deganaanshuhu ka jiray, gaar ahaamn Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Sidoo kale waxay warbixintaa ku tilmaameen qaramada midoobay in shirkaddaha qaarkood oo laga leeyahay wadamada reer galbeedka, isla markaana ay u adeegsadeen si ay hashaa shidaalka iyo macdanta u galaan lacago laaluush ah, taas oo ay sheegeen inay abuuri karto khatar nabadgelyo daro horseeda.

Shirkaddaha doonaya inay shidaalka iyo macdanta ka baadhan deegaamo ka tirsan Somaliland, balse heshiishyada xukuumadda Somaliland la gashay shirkaddahaa oo aan wax badan laga ogayn, isla markaana aan la horgeyn golayaasha sharcidejinta .waxa ka dhashay muran iyo khilaaf weyn oo saamayn ku yeeshay hawlaha la filayay inay shirkadduhu bilaabaan. Kadib markii bulshada deegaamada la doonayay  in hawsha laga bilaabo ay ka cadhoodeen qaabka loo maamulay qandaraasyada oo ay ku doodeen dadka deegaanku in loo maamulay qaab eex iyo qaraabakiil ah.

Sidoo kalena waxa doodo iyo muran ka dhashay qaabka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u gashay heshiishyo shidaalka iyo macdanta ah, iyadoo aan weli la diyaarin xeerarkii iyo sharcigii lagu   maamuli lahaa hawlaha la xidhiidha khayraadka dalka, taas oo sababtay in golaha wakiiladda Somaliland la geeyo mooshin ku baaqaya in la helo xeerkii lagu maamuli lahaa khayraadka dalka ka hor inta aan wax talaabo ah la qaadin, isla markaana si deg deg ah loo helo sharcigii lagu maamuli lahaa khayraadka dalka.

Si kastaba ha ahaatee qorshaha shirkaddaha shidaalka ee xukuumadda Somaliland la galay heshiishyada aan waxba laga oggayn, ayaa si weyn loogu dhaleecayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxayna hada u muuqataa in talaabada hada lagu hakiyay hawshaasi tahay mid xukuumadda Somaliland iyo shirkaddaha kaga timi debeda, balse aanay ahayn mid ka dhalatay baaqyadii bulshada deegaamada la doonayay in hawshaa laga bilaabo.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *