saacid1Muqdisho(Araweelo News Network) Raysal Wasaaraha dawlada taagta daran ee Somalia ayaa ka hadlay fadeexado kasoo baxay kufsiga iyo tacadiyada

 

lagu hayo shacbiga Muqdisho, kuwaas oo ay ay qayb ka yihiin Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM iyo Ciidanka dawlada Somalia.

 

 

Raysal wasaare saacid ayaa ku hanjabay in aanay u dul qaadanayn kufsiga iyo tacadiyada lagu hayo dadka shacabka gaar ahaan haweenka, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi,“Xukuumadda Soomaaliya uma dulqaadanayso xadugudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kufsiga loo haweenka Soomaaliyeed oo ah kuwa u nugul dhibaatooyinka loo geysnayo, waxaana cid kasta oo ku kacda ay la tiigsanaysaa sharciga,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku yidhi war-saxaafadeed ay xukuumaddu soo saartay Khamiistii shalay.

Kugsigan ayaa la sheegay inuu dhacay 08-dii bishan August, waxaana lagu sheegay warsaxaafadeedka ay soo saartay dowladda Soomaaliya in Saacid uu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ay madax u tahay wasiiradda adeegga bulshada, Maryan Qaasim,  kuwaas oo baadhaya shilkan lana shaqeyn doona khuburo ka tirsan AMISOM si looga hortago inuu falkan oo kale dib u soo laabto.

 

Dhinaca kale Warsaxaafadeed kasoo baxay  taliska ciidmada AMISOM ayaa lagu sheegay in ay jiraan kufsi ka dhacay Muqdisho oo dhinacooda loo tiriyay, balse ay baadhayaan oo ay  la socdaan eedeysta ku saabsan in ciidamadoodu ay kufsadeen qof dumar ah oo Soomaaliyeed.

“Koox ka kooban AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa loo saaray inay ku sameeyaan baadhitaan arrintan, jawaabtii ka soo baxdana waxaa loo shaacin doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayay AMISOM war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay.

 

Sidoo kale  AMSIOM waxay sheegtay in goobaha ay ka howlgalaan oo dhan ay ku sugan yihiin xubno loo tababaray inay kasoo warbixinyaan falalka noocan oo kale ah, iyagoo sheegay inay Soomaaliya u joogaan sidii ay u difaaci lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, balse aanay ujeedadoodu ahayn inay dhibaateeyaan shacbiga.

 

 

arraweelo.com@gmail.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *