bandhiga1Hargeysa(Araweelo News Network)Furitaanka Bandhiga carwada Buugaagta Internitional Book Fair) ayaa lagu qabtay Hoolka Hay’adda

 

 

shaqaalaha ee Hargeysa, waxana ka qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Madaxda iyo saraakiisha axsaabta mucaaradka, saraakiil kale oo ka socotay Hay’addaha dawlada,   Safiirka Dawladda Britain ee Ethiopia, Qoreyaal, Hal-abuuro,Abwaano Aqoonyahano, qorayaal  iyo shaqsiyaad caan ah  iyo sidoo kale marti sharaf kale oo ka socotay qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Jaamac Muuse Jaamac oo ka Mid ah qorayaasha iyo aqoonyahanka soo Qaban qaabiyay bandhiga oo  sanadkii Lixaad ee la qabto galay,  ayaa ka waramay Ujeedooyinka ay u soo Qaban qaabiyeen, wuxuuna xusay  in Sannadkan ay Qallin Maal tiro badani kasoo qayb galeen Carwadan,  isla markaana ay ka kala socdaan Wadamo door ah oo caalamka ah .

Qoraaga Jaamac Muuse Jaamac waxa uu xusay in  Sannadkan ay u Xusheen in Mawduuca laga doodi doono Mudada uu Bandhigu socdo uu yahay Socdaalka, sababtaa ay taa u xusheena ay tahay in macanaha eraygan oo balaadhan ay uga dhigeen In Yool iyo Ujeedo Quman loo sameey

 

Danjiraha Britain u qaabilsan Ethiopia oo ka Mid ahaa Mas’uuliyiintii ka qayb galay Furitaanka Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta ayaa soo dhaweeyay Bandhigyada noocan oo  uu sheegay in uu ka qayb qaadanayo kor u qaadista Wacyiga Bulshada.

 

Mr. Mills Wigen waxa uu faah faahin ka bixiyay Xidhiidhka Taariikhiga ah ee Ka Dhexeeya dalkiisa iyo Somaliland, wuxuuna Xusay in Somaliland tahay dal nabdoon oo Dimuquraadi ah.

 

Bandhigan oo marar hore lagu qabtay Magaalada Hargeysa, isla markaana sanad walba la qabto, waxa  lagu soo bandhigaa Buugaag kala duwan, isla markaana waxa mudada uu bandhigu socdo lagu soo qaadaa mawaadiic la xidhiidha qoraalka, Suugaanta, Dhaqanka Bulshada Soomaalida, iyadoo dhawr sanadood ka hor la bilaabay in sanad walba la qabto bandhig sidan oo kale. Kadib markii la ogaaday in luqada afsoomaaligu ka mid noqday afafka lagu tirayay kuwa ugu faca weyn ee dunida maanta lagaga hadlo. Sidaa darteed loo ilaaliyo in aanu dabar go’in.

arrinfo@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *