Hargeysa(ANN)Shirkada  Isgaadhsiinta  SomCable  oo qayb ka ah Companiga weyn ee iMCG oo uu Leeyahay ganacsadaha  caanka ah ee Maxamed Aw Siciid ayaa kusoo bandhigtay Carwada ganacsiga Somaliland ee laga furay Hargeysa todobaadkan hawsheeda dhinaca Isgaadhsiinta Kaybalka

 

badda ee ay doonayso inay keento Somaliland.
Iyadoo SomCable carwadaa kusoo bandhigtay halaka ay marayaan hawsha  xadhiga mashruuca Kaybalka Badda ee ay doonay in Somaliland laga hirgeliyo mudooyinka soo socda, kaas oo hada shaqadiisu ka socoto dhinaca Xeebta galbeedka Somaliland, isla markaana la doonayo sidii loo soo gaadhsiin lahaa  magaalada Berbera.
Eng. Yuusuf Xuseen Cabdale  oo ah wakiilka Shiraka SomCable ee Somaliland ayaa u sheegay weriye ka socda shebekada Araweelonews  inay mashruucaa soo jiidista Kaybalka xadhiga Isgaadhsiinta hada kasoo bilaabeen dhinaca dalka Djibouti  oo laga soo wado xadhiga Submarine Cable, kaas oo lasoo raacinayo xeebta badda Somaliland, isla markaana la gaadhsiinayo magaalada dekeda ah ee Berbera.


Qorshahan mashruuca SomCable ayaa la filayaa inuu wax weyn ka taro horumarka dhinaca Isgaadhsiinta ee Internetka iyo adeegyada kale eel agama maarmaanka xiligan u noqday nolosha, waxaana la xidhiidhin doonaa  Magaalada xeebta ah ee Lawyacado iyo ilaa Laascaanood oo qoyaastii noqonay 1200 KMt, iyadoo markaa ka dib la raacinayo xuduudka dalka Ethiopia iyo dhinaca Koonfur barri ee Puntland.


Mashruucan oo ay ku baxayaan malaayiin dollar, waxaana mashruucan isgaadhsiintu suurta gelinayaa in laga maamulo Somaliland meelaha dalka gudihiisa iyo debediisaba , isla markaana uu ku xidho aduunka intiisa kale isgaadhsiinta iyo dhinaca Internetkaba. Sidoo kale shirkadda SomCable  ayaa sheegtay inay mashruucan ka helayaan shaqooyin kumanaan qof oo Somalilander ahi, isla markaana uu gebi ahaanba wax weyn ka bedelayo  dhinaca koboca dhaqaallaha  dalka iyo horumarka casriga ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *