http://www.somaliland.org/images/b/2011/12/u_53112d_2011-12-19-15-37-58f_CIMG0072-638x300.jpgBeijing(ANN) Wefdiga xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye oo weli ku sugan dalka China oo ay booqasho ku tageen ayaa kulamo la yeeshay  Wasaaradda Difaaca ee dalkaa ayaa sheegay in ujeedada kulankaasi ahayn mid la xidhiidha cilaaqaad Milateri oo ay Somaliland doonay inay la

yeelato dalka china.
Afhayeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo u waramayay TV-ga madaxa banaan ee Horn Cable TV, wuxuu isagoo ka hadlaya ujeedada ay u tageen halkaa yidhi, “Waxaannu meesha u nimi waxa weeye sida Dunida hore martay sida Shiinaha oo kale oo waxaannu doonaynaa inaannu kobcinno cilaaqaadkeena siyaasadeed. Anagu (Weftiga) taas ayaanu u nimid,”.
“Somaliland ma doonayso inay Dawladda Shiinaha la samaysato Cilaaqaad xagga Millateriga ah” ayuu yidhi  Afhayeenka xisbiga KULMIYE,  wuxuuna  sheegay inay isla faaqideen masuuliyiintii uu la kulmay  sidii ay labada dale ee Somaliland iyo China isaga  kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeedda, i sago arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Wasaarada Gashaandhigga ee Shiinaha ayaannu la kulanay oo waxaanu ka wada hadalnay dhibaatada Budhcadbadeedda gaar ahaan dhinaca Somaliland Waxa in badan dalkeena lagu qab qabtay Budhcad badeed iyaga oo biyaheena soo galay,”ayuu tilmaamay Maxamed Kaahin.”
. Afhayeenka xisbiga Kulmiye  wuxuu u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Shiinaha waxaanu tilmaamay in weftigoogu  inta ay dalka China joogaan ay socdaal ku tagi doonaan gobolka ay Jaaliyada Somaliland ku badan yihiin.
Wefdiga Kulmiye ee China waxa hogaaminaya  Gudoomiyaha Xisbiga  Muuse Biixi Cabdi iyadoo ay xubno ka yihiin Afhayeenka iyo saraakiil kale, kuwaas todobaadkii hore ka dhoofay Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *